Madaxwayne Edogan “Safaarad ayaan ka furan doonaa Bariga Qudus (Daawo)

Bulsha:-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axadi maanta sheegay in Dowladiisu rajeyneyso in ay safaarad ka furato caasimada Falastiin ee Bariga Qusus, mustaqbalka.


Wuxuu sheegay in Bariga Qudus ay hadda heysato Israel sidaasi daraadeedna aysan ka furan karin wax safaarad ah, balse ay rajeynayaan in ay soo dhawaatay maalmihi ay sida rasmiga ah u furan lahaayeen safaaradooda Falastiin.

Hadalkaan ayaa imanaya maalmo yar kadib marki uu Erdogan ku martigeliyay magaalada Istanbul shirka dalalka Islaamka, kaasoo looga soo horjeestay go,aanki uu madaxweyne Donald Trump Qudus ugu aqoonsaday caasmada Israel.

Bariga Qudus ayaa waxaa qabsatay Israel sanadki 1967, kadib dagaal ay la gashay dalalka Carabta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment