Madaxwaynaha Cusub ee Zimbabwe oo Balan Qaaday Arin Cajiib ah (Warbixin)

Bulsha:- Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ee ZANU-PF ayaa taageeray in madaxwayne, Emmerson Mnangagwa, uu noqdo hogaamiyaha xisbiga.

Madaxwayne Mnangagwa ayaa sidoo kale noqonaya musharaxa tartanka madaxwaynanimada ugu qayb gali doona doorashada sanadka soo socda.

Kulanka sanadlaha ee ay yeeshaan golaha fulinta ee xisbiga ayaa waxa xisbiga laga ceyriyay madaxwaynihii hore Robert Mugabe iyo xaaskiisa, Grace,iyo dadkii ay siyaasad ahaan ay aadka isugu dhawaayeen.

Mr Mnangagwa oo khudbad u jeediyay saraakiisha xisbiga ayaa sheegay in hogaankiisa xisbiga,ZANU-PF uu xushmayn doono geedi socodka dimuqraadiyadda.

Waxa uu sheegay in geedi socodka isbadalka lagu samaynayo arrimaha dhulka ay tahay mid joogto ah.

Xilligii uu Mr Mugabe,ahaa madaxwaynaha Zimbabwe ayaa dadka caddaanka ah lagala wareegay beerahooda.

Waa kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan golaha fulinta ee xisbiga ZANU-PF tan iyo intii uu xilka ka dagay Mr Mugabe.

Robert Mugabe ayaa dalka Zimbabwe xukumayay muddo 37 sano.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment