Hadaad Isku Aragto 12-kaan Qodob Jaceyl Dhab Ah Ayaa Ku Haya.

Bulsha:- Wali jacayl dhab ah ma ku helay? Waa suaal jawaabteedu adagtahay balse waxa ka adag hadaa lagu waydiiyo “Qofkad xidhiidh la leedahay dareen jacayl ah ma u qabtaa?” Hadaad 12-kan qodob ee Heegan24.net ay hoos ku xusayso aad isku aragtid ama qaar ka mid ah, ogow jacaylkii dhabta ahaa ayaa ku haya:

1. Waa qof special ah: marku jacayl ku hayo qofkad jeceshahay dadka kale la barbar dhigi maysid. Adiga indhahaaga wuxu ku noqon doona qof special ah dadka kale ka duwan oo la mid ahayn.

2. Waa qof dhamaystiran: waxa kaliya arki doonta sifaadkiisa ama sifaadkeeda wanwanaagsan, wax kaste u qofkan aad jeceshahay sameeyo dhinaca positive-ka ayaad ka arki doonta. Arki maysid sifaadkiisa ama sifaadkeeda xunxun.

3. Waxaad noqon doonta qof isku dhex daadsan: marna appetite-ka kaa lumi, marna hurdada iska waayi doonta, walwalka kugu badan doona marku xidhiidhkeenu wax noqdo ama aad is qabsataan.

4. Markaad dhibaato hor timaadaan oo xalidaan xidhiidhkeenu wu sii xooganaan doona: markaad carqalado la kulantaan oo si wanaagsan uga baxdaan waxa sii xooganaan doona xidhiidhka idin ka dhaxeeya.

5. Maskaxdaadu ka guuxi doona: dadka jacaylku hayo wakhtigooda boqolkiiba shan iyo siddeetan (85%) waxa maskaxdooda ka dhex guuxa qofka ay jecelyihiin.

6. Waxaad jeclaysan doonta markaste inaad ag joogtid: intaad ka fogtahayna karaahi ayu kugu noqon doona waanad dhibsan doonta.

7. Inaad mustaqbal la yeelatid ayaad rajayn doonta: waxaad ka sii fakiri doonta sida mustaqbalka aad u wada noolaan lahaydeen iyo meeshad wada dagi lahaydeen.

8. Wax kasta waad u huri doonta: qofka aad jeceshahay waxa idin ka dhexeen doona xidhiidh caadifi ah, dhibaatada haysa iyo xanuunku dareenmo waad la dareenmi doonta. Sidaa darted wax kaste waad u huri doonta adigo doonaya inaad ka farxisid.

9. Dharkan mu jeclaan doona?: Waxaad is waydiin doonta markaad maryo cusub iibsanaysid ama aad dhar hore u lahayd labisanaysid inu jecleysan doono.

10. Waxaad noqon doonta qof hinaasi badan.

11. Caadifadaada ayaa ka awood badnaanaysa hamadaada: inkasto ay hamadu tahay wax bani aadmiga lagu abuuray laakin markaad qofka aad u jeceshahay caadifadaada ayaa ka awood badan doonta hamadaada.

12. Isma kontrooli kartid (out of control): dareenkaagu wuxu noqon doonta wax awoodaada ka baxsan.

Laakin nasiib daro jacaylku maaha mid waara. Waa marxalad aad u xiiso badan oo nolosha ku jeclaysiin doona ama ku nacsiin doona laakin marnaba waari maayo oo mar uun bu dareenkaasi tagi doona. Heegan24.net ayaa ku leh dareenka waxa badali doona waxa loo yiqaano “attachment” oo ah ku xidhnaasho aad ku xidhnaanaysid qofkaad jeclayd oo aanad ka maarmi doonin.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment