Geerar Jaceyl : Dumar Intaan Arkay Doc Walba Ka Eegey Misana Diraaseeyey Kumaan Arag Dawooy Adoo Kale

Bulsha:- foooooKama daaleyno inaan idin ka baahi beelino Arimaha Jaceylka waayo waxaanu nahey wehel markasta idin taagan, bulsha.com waxaa ka go’an inuu idin ahaado hoyga aad ku xirnaataan markasta kagana bogan kartaan waxkasta oo ku tacaluqa Arimaha Jaceylka.

Anagoo taas ka duuleyna maanta waxaa idiin soo gudbineynaa xubin aad u muhiim ah oo ayaamahaan aanu ka gaabiney waa Geeraaro Jaceyl oo koo kooban ee hoos ka akhrista:

© Sal fudeyd yuu ku qaadin
Samaha dhowr waliga
Waxaan kuu sido iyo
Waxaan saadinayo
Waa sacabka inaan kugu qabto
Saatirkeena guur nagu simee
Saacad waliba huuno
Sahankeygu waa adi.

© Waxa i takooree
Gees ula tiicayo
Waa tabid aan ku tabayee
Waxaan ku taamaa
Adoo Taajka laguu xiree
Todobaad igula joogo.

© Macnaha caashaqa ma ahan
Maal la isa siiyiyo
Marti soor ayaamaha ahe
Ee waa muxibo saafiyo
Qalbiga maquurato
Miisaan ku leh noloshaade
Macaan aan wada miisne
Marxabada doo daadiji.

© Xiskiyo laabta
Xisaab li’i
Adey kugu xiiqeene
Xubigan i waalaya
Xasil ila xanaanee.

© Dumar intaan arkey
Doc walba ka eegey
Misana diraaseeyey
Kumaan arag Dawooy adoo kale
Da’da casrigaan joogta
Aduu damiirka kaa raacee
Dugsi u noqono
Naftan dartaa u dayacan.

© Cindiga adaa ku yaal
Cisi baan lahaan lahaa
Hadaad caashaqa ila qeybsate
Carro kuuma quuree
Igu calool samoow waligaa.

© Faalaha caashaqa
Intuu i fogeeyey
Fagaara cidla i dhige
Waxaan hoos ugu fooraro
Waa fahma dariye
Iga furo huuno dhibta caashaqa.















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment