Gabar u dhalatay Ghana oo Taliye ka ah 3,Saldhig Boolis oo ku yaalla Muqdisho

Bulsha:- Gladys Duneebon,waa sarkaalad Boolis ah,waxaa ay u dhalatay Dalka Ghana,waxaa Soomaaliya la keenay 8 bilood ka hor,si ay uga mid noqoto Booliska Ghana ee jooga Soomaaliya.

Duneebon,waxaa ay ka sheekeyneysaa muddadaas ay joogto Soomaaliya,gaar ahaan Muqdisho,waxaa xirfaddeeda ku kordhay in ay noqoto Wade gawaarida mid ka mid ah kuwa ugu adage e Ciidanka oo ay nadir tahay in ay Haweenka ka xeeyaan.

“waan ogahay in Soomaaliya yahay dal dagaal,ma aqaan waxa aan kala kulmi doono,waxaan rajeynayaa in aniga oo nabad qabana aan dalkeyga ku laabto,shaqadeydana dhameysto,waxaa ay ku darmi doontaa khibraddeyda shaqo ee 22ka Sano ee Ciidanka ah”,ayey tiri.

Hadda waa Taliyaha Saddex Saldhig Boolis oo ku yaalla Muqdishowalina waa mid ka mid ah Wadaha Gaari nooca APC (Armoured Personnel Carrier).

Waxaa iyaga oo koox ah ay tababaraan Booliska Soomaaliya,Ciidamada Booliska ee Soomaaliya waxaa ay iyada u yaqaanaan mamba,waxaa ay ka xeysaa Gaarigan APC xilliyada howgalka wadajirka ah ay sameynayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale nolosheeda askarta dhexdeeda waa madadaaliso,waxaa ay mar kasta ka qoslisaa askarta ay wada shaqeynayaan,marka ay ka soo laabtaan howlgallada waxaa ay kula kaftantaa afkeeda Ghana ee hodonka ah.

mamba ,waa Gabar ad adag ,maxaa yeelay Gawaarida ay Ragga ka xeeyaan ayaa lagu amray in ay 10 maalmood ku barato ka xeyntooda, wey ku adkeyd laakiin wey ku guuleysatay ugu dambeyntii.

APC,waddamada colaadaha waxaa ku ka xeeya Ragga kaliya,laakiin Gladys , waxaa ay ku faraxsan tahay in ay ka mid tahay saddex Haween ah oo ku jira AMISOM wadayaalna ka ah Gaarigaas,waxaa ay kala yihiin mid kale oo Ghana u dhalatay oo Muqdisho jooga iyo mid Kenyaan ah oo Kismaayo joogta.

“mataqaannaa sida aan ugu faraxsanahay oo ay gaar iigu tahay in Rag ay gadaasheyda fadhiyaan,oo ay iga sugaan in aan aniga dhaqaaqo kaddibna ay dhaqaaqaan,ma qiyaasi kartid sida ay sharaf iigu tahay arrintan”,ayey tiri Gladys .

Waxaa ay sheegtay in Ragga ay is hayaan ee Al-shabaab ay u sahlan tahay in ay bartilaameed u noqoto waayo waa Darawal,Ragga iyada la shaqeeya waa Rag,waxaana ay leeyihiin wixii ay kala helaan.

“Bishii June waxaan dul maray Miino dhulka ah,waxaa gabi ahaan bur buray Gaarigii aan waday,dhaawac ayaa I soo gaaray Bowdada ,nasiib ayaan lahaa in aan ka baxsado”.

Dhinaca kale waxaa ay hoggaamisaa koox Saraakiil Boolis AMISOM ah oo tababara Booliska Soomaaliya,waxaa ay sidoo kale dabagalaan shaqada Booliska Soomaaliya.

“saddexda Saldhig, waxaan ilaa hadda tababarnay 180 Askari oo Soomaali ah, mararka qaar Booliska Soomaalida waxaa ay ku guul darreystaan in ay nala shaqeeyaan,mararka qaarna waxaaba ay diidaan amarradeenna,mana qasbi karno, waxaa ay ku doodaan in aysan heysan kheyraad ku filan, waxaan isku dayaa in aan qanciyo oo aan aniga mas laxeeyo ilaa ay ku soo laabtaan tababarka maaddaama aan xoog ku lahayn”,ayey sii raacisay hadalkeeda.
Gladys,waxaa ay sheegtay in ay ku faraxasan tahay in howlgalkii ugu horreeyay meel ka baxsan dalkeeda ay ka sameyso,waxaana ay sheegtay in ay ku faaneyso shaqadeeda.

Isha: The Star .










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment