Fariimo Jaceyl : Inta Aan Ku Baran Ma Ogeyn Waxa Sababa Dhoola Caddeynta Balse Haatan…

Bulsha:- Markasta oo aan muraayadda hor istaago waxaan arkaa adiga oo gadaashey soo istaagey oo si Kalgaceyl iiga saxaya Lebiska, riyadaas rumeynteeda waa adiga

* Intaanan ku baran ma ogeyn waxa sababa dhoola caddeynta laakiin markaan ku bartay kadib ayaan ogaaday sababta loo dhoola caddeeyo ee naftaan aad dhoola caddeynta bartay cid kale ha u ogolaan iney u dhoola caddeyso.

* Daqiiqad kasta oon kula qaadto waa sida biyo lagu waraabshey ubaxa si ubaxaas u baxo una bikaaco si isha wax jecel ugu il doogsato.

* Halka ugu fiican een jeclahey in aan Adduunkaan kaga noolaado waa dhinacaaga.

* Haddii il biriqsi i jeclaato daqiiqad ayaan ku jeclaanayaa, hadaad daqiiqad i jeclaato saacad ayaan ku jeclaanayaa, hadaad maalin i jeclaato bil ayaan ku jeclaanayaa, hadaad bil i jeclaato sanad aan ku jeclaanayaa waana hubaal qaali, xayaati.comhadaad sanad i jeclaato inta noolaheyda ah ayaan ku jeclaanayaa.


* Waxaan raadshey wax walbo oo adduunka yaalla waxaana ku mashquulsanaa in badan oo sanooyin ah laakiin markaan ku heley ayaan heley wax walbo runtii waxaad tahey wax walbo oon u baahnaa.

* Waxaan kuu fidiyey gacmaheyga soo qabso inta ka banaan faraheyga ku buuxi kuwaaga si aan isu siino kalsooni.

* Haddii xatta fariimaahaga si kama’ ah iiga tirmaan ma iloobi doono qoraalada aad iisoo dirtay sidoo kale hadaad joojiso wicitaankaaga ma iloobi doono codkaagii aan bartay.
*Hal milyan oo fikir ah oo aan dartaa u galey hal daqiiqo ayaa iiga filnaatey waa daqiiqad aad ila qaaday caashaqaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment