Fariimo Jaceyl : Aniga Oo Dhul Ooman Jooga Kaliya Haddii Aan Xasuusto Jaceylkaada…

Bulsha:- Sida indhaheyga u jecel yihiin iney daawadaan muuqaalkaaga ayuu qalbigeyguna u jecel yahey xusuustaada iyo in aad mar walbo aad ku dhex jirto.

* Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey in aan noolaha kuu jeclahey.

* Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylkaad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana galaa jawi farxadeed.

* Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahey in aad wax dheertahey dhamaan Aadanaha.

* Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax Khayaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku jeclaadey oo jaceylkii aan Khayaaliga ka aaminsanaa ayaa weerar igu soo qaadey qalbigeyguna ma habsaaminee wuxuu jeclaadey qalbi u qalma jaceylka!

* Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan , bulsha.com, adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahey anna.

* Dadka waxey riiyoodaan markey hurdaan oo indhaha is geliyaan laakiin aniga Aadanaha taas waan kaga duwanahey waayo qalbigeyga isaga oo soo jeeda ayuu kugu riyoodaa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment