Dagaal Xoogan oo yemen ka socda iyo Hadal uu sheegay Cali Cabdala Saalax

Bulsha:- Waxaa wali ka soconaya magaaalada caasimadda ah ee Sanca ee dalka Yamen, dagaalo u dhaxeeeya kooxaha falaagada Xuutiyiinta iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalla Saalax.

Dagaaladan cusub ayaa waxaa ku dhintay tobanaan qof boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Iska hor imaadkan u dhaxeeyo xuutiyiinta ay barataareyso Iran iyo taageerayasha madaxweynihii hore ee Yamen Cali Cabdalla Saalax, ayaa bilowday maalintii Arbacada.

Labadan dhinac ayaa mid walba waxa uu doonayaa inuu gacanta ku dhigo goobo istaraatiiji ah sida dhismayaasha wasaaraddaha iyo madaarka caalamiga ah ee Sanca.

Illaa iyo haatan, labadan dhinac ayaa wali dagaal kula jira isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucudi Carabiya oo si weyn u taageera xukuumadda Yamen ee dibad-jooga ah.

Dhanka kale, dowladda Sucudi Carabiya ayaa soo dhaweysay hadal kasoo yeeray Cali Cabdalla Saalax oo ah inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Isbaheysiga.


Basle Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay hadalkaan uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.





Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment