DAAWO VIDEO: Madaxwayne Erdogan iyo Madaxda Wadamada Islaamka oo ka Nixiyey Yuhuuda iyo Go’aanadii Turkiga

Bulsha:- Magaalada Istanbul ee Turkiga waxaa ka furmay shir madaxeedka waddamada Islaamka oo ay kaga hadleen jawaabta ay ka bixinayaan go’aankii dhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimaddda Israa’iil.


Madaxweynaha Turkiga Erdogan si cad madaxda islaamka ugu sheegay in magalada Alle uu barakeeyay ee Qudus ay tahay ayna ahaan doonto caasimada Falastiin, Waxeyna madaxda islaamka oo dhan isku raaceen in Qudus dhinaceeda Bari ay tahay Caasimadda Falastiin.

“Waxaan hortiina ka cadeynayaa in Trump iyo Mareykanka ay faraha kala baxaan arimaha Qudus. Waa digniin aan u direeyno,  “Qudus waa caasimada islaamka iyo walaalaha Falastiin, wallahi baan ku dhaartay cadaab ayaan ku muteysan karnaa hadii Yahuuda ay Qudus u noqoto caasimadooda” Hadalkaan waxaa hoolka shirka ka jeediyay Erdogan oo ah Gudoomiyaha ururka madaxda islaamka sanadka 2017-2018

Madaxweynaha Erdogan ayaa hogaamiyaasha islaamka hortooda ka sheegay in Yahuuda ay yihiin maamul goboleed argagixiso ah “Waxa ay isku dayayaan in ay dhacaan caasimada islaamka, waxey maalgaliyaan Daacish si wadamada islaamka uga dhigaan meel burbursan, “Waa argagixiso Israel, ma ahan maamul lala hashiin karo. Waxaan idinku dhiiro galinayaa in xiriirka loo jaro hadii arinta sidan ay ku socoto”.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment