Daawo: Khudbad Rw. Khayre u jeediyey Dhalinyarada Soomaliyeed ee Waqooyi iyo Koonfur oo Shir isugu yimid

Bulsha:-Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Shir uga Furmay Dhalinyarada Soomaaliyeed oo isaga yimid Guud ahaanba Gobolada dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, waxaana Furitaanka Shirkan kasoo qayb galay R/wasaare Khayre, Xildhibaano, Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dhalinyarada oo safarkeedii ugu horeeyey ku timid Soomaaliya iyo qaar kamid ah danjireyaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya.


R/wasaare Khayre ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa wuxuu u jeediyey Dhalinyarada Soomaaliyeed, Isagoo sheegay inay isaga yimaadeen Raaskambooni Ilaa iyo Lowyo-caddo inta u dhaxaysa, wuxuuna xusay  in maanta laga tagay Qabyaalad iyo Qarandumisnimo. “waa laga gudbay waqtigii qabiilka iyo qaran dumiska “ Ayuu yidhi.

“Shaki iigama jiro in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku dheer hal-abuur iyo wadaniyadda, sidaas darted waa inaad ka fekertaan wax idinka weyn, waa inaad hiigsataan sidii boqolka sano ee soo socda dhibka looga ilaalin lahaa dalka. Qof walba oo Soomaali ah maanta rajada uu leeyahay waa idinka”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Cali Khayre oo tilmaamay dalku inuu marayo waqtigii ugu rajada wanaagsanaayeen dhalinyaradana laga doonayo fursadahaa inay ka faa’iideystaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment