Ciidamada weeraray Guriga Cabdi Qeybdiid oo la ogaaday,Taliyihii watay oo lasoo xirayo iyo Khasaaro ka dhashay

Bulsha:-   Ciidamo ka tirsan kuwa ay Imaaraadka Carabta ayaa weeraray guriga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay Sanateer Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Sida aan xogta ku helnay Ciidamadaan ayaa kamid ah kuwa ka amar qaato dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna Saraakiisha ka tirsan Dowladda noo xaqiijiyeen inaysan wax amar ah ka heysan dowladda dhexe.

Illo wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey in la aqoonsaday Taliyihii hoggaaminayey weerarkaas isla markaasna waxaa la sheegay in la amray in lasoo xiro.

Ciidamada weeraray Guriga ayaa ka qaatay laba qori oo kuwa fudud ah, sidoo kalana waxaa Caasimadda Online loo xaqiijiyey in gaari la marsiiyey oday waardiye ka ahaa guriga.

Odayagaas oo aysan noo suurtagelin inaan helno magaciisa ayaa la xaqiijiyey inuu dhabarka ka jabay markii la dul marsiiyey mid kamid ah gawaarida ay wateen Ciidamadaas.

Sidoo kale ciidamadaan ayaa guriga ka qaatay Moobeel, lamana ogo waxyaabaha keenay inay qaataan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada NISA ayaa dabagal ku ah Ciidamadaas, waxayna Imaaraadka Carabta sheegeyn inay ku daba joogeen Taleefano xog lagu kala gudbinayey.

Ma jirto wax iska caabin ah oo ay sameeyeen ciidamada ilaalada ka ah guriga Senatar Cabdi Qeybdiid lamana oga in uu ku sugan yahay hoygiisa senatar.
Baaritaanka hoyga Cabdiqeybdiid oo ah Mudane xasaanad leh ayaan  la baari karin illaa xasaanada laga qaado. Hase yeeshee lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid ooh ore ugaga mid ahaa saraakiisha ciidamada qalabka sida










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment