Amiirka Qadar oo kashifay sir hor leh oo ku saabsan kiiska Qudus ee Sacuudiga iyo Israel

Bulsha:- Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa aysan afka ka qabsan doonin baahinta Dukumiintiyo muujinaaya xiriir hoosaadka ka dhexeeya dowladaha Sacuudiga iyo Israel.

Amiirka waxa uu tilmaamay inay hayaan cadeymo muujinaaya in dowlada Sacuudiga ay kaalin weyn ka qaadatay sida magaalada Qudus loogu gacan galin lahaa dowlada Israel.

Waxa uu cadeeyay in dowladiisa ay goor sii horeysay arrintaan ka hortageeda usoo bandhigtay dowladaha islaamka, hase ahaatee ay ku kasbadeen mucaarad Siyaasadeed.

‘’Kama ganban doono inaan dunida muslimka ah la wadaagno cadeymaha muujinkara in Sacuudiga uu kaalin ka qaatay arrinta Qudus’’

Sidoo kale, Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa dowladaha ay daacada ka tahay ka hortaga arrinta Qudus ugu baaqay inay cadeeyan mowqifkooda Qudus.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si wada jira magaalada Qudus looga badbaadiyo dowladaha Sacuudiga, Mareykanka iyo Israel.

Haddalka Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa kusoo beegmaaya xili sababta khilaafka Xulafada Sacuudiga iyo Qadar la sheegay inay u sabab aheyd Dukumiintiyada ku saabsan kiiska Qadar oo ay heyso dowlada Qadar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment