Akhriso Shuruudaha damaanadda ee lagu sii daayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Bulsha:- Ka dib wadahadalo saacado badan qaatay oo tan iyo galabta ka soconayay Magaalada Muqdisho, ayaa lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Wada hadalo iyo dadaalo aan kala go’laheyn oo ay ku lug lahaayeen Odayaasha dhaqanka madaxweyanayaasha Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xuldhibaano oo saacado badan la isku mari la’aa ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay.

Heshiiska lagu sii daayay oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxiixay Odayaasha Dhaqanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda iyo C/raxmaan C/shakuur qudhiisa.

Wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inay Cabdiraxmaan Cabdishakuur damiinteen:

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed

 C/raxmaan C/shakuur oo ay wehliyaan Mas’uuliyiintii iyo xildhibaanadii qeybta ka ahaa wada hadalka lagu sii daayay ayaa la sheegay inay aadeen Guriga Iimaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf Cali.

Shuruudaha lagu sii daayey:

1)  Inuusan Cabdiraxmaan Cabdishakuur dalka ka bixi karin inta dacwadiisa socoto
2) Inuusan ka hadli karin Saxaafadda iyo inuusan adeegsan karin Baraha Bulshada
3) Inuusan wax xiriir ah la sameyn karin Marqaatiyaasha iyo baarayaasha gal dacwadeedka Maxkamadda la geeyey
4) Inuu yimaado Maxkamadda xilli walba oo looga yeero.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:



Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment