Akhriso: La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo oo la magacaabay

Bulsha:-  Cabdi Saciid Muse Cali oo ah Aqoonyahan ayaa loo magacaabay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, kaddib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Waxaana markii ay soo shaac baxday magacaabidiisa ku shaaciyay bartiisa Twitterka Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo kulan la qaatay.

Xiriir aan la sameynay ayuu inoogu xaqiijiyay Mr CabdiSaciid in xilkan loo magacaabay, waxaa ahaa La Taliyaha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay IGAD iyo meelo kale.

Cabdi Saciid ayaa dowladdii TFG-da ee lagu soo dhisay dalka Kenya sanadkii 2004, waxaa uu ahaa La taliye dhinaca farsamada, waxaa uu sidoo kale dowladda uu isku xire uu ka ahaa hey’ado badan oo caalami ah.
Mr CabdiSaciid ayaa ku dhashay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa uu ku hadlaa luqadaha English, Talyaaniga, Jarmalka, iyo Dutch.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment