Akhri: Shabaab Oo Bayaan Kasoo Saartay Go’aankii Trump ee Uu Qudus Ugu Aqoonsaday Caasimadda Yahuudda.

Bulsha:-  Bayaankan oo uu ku saxiinaa hoggaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa cinwaan looga dhigay “Kulanku waa Beytul Maqdas” wuxuuna gudbinayey mowqfika Xarakat Al-Shabaab ee ku aadan go’aankii ka soo yeeray dowlada Mareykanka ay magaalada Al-Qudus ugu aqoonsatay caasimadda maamulka Yahuudda.

Wuxuu ahaa bayaan ka kooban ilaa saddex Page oo ku qornaa luuqadda Carabiga, laguna lifaaqay Aayado Qur’aan ah, Axaadiith, iyo Awaal baraarujin ah ah oo ku wajahan Muslimiinta, Iyadoo sidoo kale uu bayaanku gudbinayo fariimo muhiim ah.



“Kedis naguma ahayn hadalka kasoo yeeray doqonka Aqalka madow, Trump Iyo ku dhawaaqistii uu ku sheegay in Qudus –ta muslimadda ah ay tahay caasimadda banii Sahyuun, sidoo kalana lama aynaan fajacin sida liidnaanta ku jirto ee dhawaaqiida dabadhilfiyada u ah reer galbeedka ay u meel mariyeen heshiiskan, kani waa dhaqankooda, taasina waa wadada ay ku dulleynayaan shucuubta, kuna ihaaneysanayaan muqadasaatkooda” ayaa lagu yiri bayaanka.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay hogaanka Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in beytul Maqdas uu cataabayo isagoo ku hoos jira gacanta cadowga iyo gumeystaha, ayna wasakheynayaan cagaha Yahuuda nijaasta ah, iyadoo ay iska soo daba dhaceyso baroorta iyo qeyla-dhaanta dadka Muslimiinta ee la dulmiyay ee aan heysanin cid difaacda una qisaasta, marka laga reebo mindiyaha yar oo la birqeysa cizzi, iyo howlgal gaari jiirsiin ah oo ka bidhaamayo ileys gobanimo, taas oo marba marka xigta adkeyneysa in lagu jiro zamanka dhibaatada iyo taag darida.

Waxaa bayaanka lagu sheegay in Yahuudda iyo nasaarada ay tahay cadowga soo jireen ah oo ay Muslimiintu leeyihiin, loolanka kala dhexeeya Umadana Muslimka ah uusan joogsan doonin abid, taas ay tahay waxa ay Mujaahidiintu hubka u qaateen si Yahuudda iyo Nasaarada looga soo difaaco dhulalka Muslimiinta ee ay horarka ku yihiin.
“Waxaan Anigu yaqiiinsannahay in Yahuuda, Nasaarada iyo Murtadiintuba yihiin cadowga Umadeena laga soo billaabo tan iyo markii lasoo saaray Nabi Muxamed SCW, mana ka zuuleyno inaan loolan kula jirno iyaga illaa Alle ka dhaxlo dhulka iyo wax dul saaran, Beytul Maqdas dartiisa iyo in wasakhda Yahuudda laga nadiifiyo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, manaraadihiisana laga taago Raayada Towxiidka ayay us oo nafiireen koox ka tirsan Muslimiinta, iyagoo ka jawabaya baaqa Rabigooda, intaas kadbina ka dhabeynaya dhaartii shahiidka Umadda, sidaan u rajeyneyno Sheykh Usaama bin Laadin –Taqabalahullaah- markii uu ku dhaartay inuu soconayo dagaalka illaa aan uga gargaareyno Filastiin ama aan dhadhamineyno wixii uu dhadhamiyay Xamza bin Cabdil Mudhalib Radiyallahu canhu, welina dhawaqa dhaartiisii caanka ahayd kama tagin iney ku soo dhacdo dhegaha kuwa qiirada badan ee ka mid ah wiilasha Islaamka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Wadada wadahadallada nabadgeliyada, iyo gurmad dalbashada liidata ee lagu galayo miisaska wadahadalka, iyadoo loo marayo kuwa taagta daran, iyo in la is jecleysiiyo cadow awood iyo hub ku heysta halkii loo dheelmiyay Nabigeena SCW, waa wado xiran, waxayna ku dambeyneysaa Fashil iyo khasaare aduun iyo mid diimeed, Maanta wuxuu hadalkeena ku wajahanyahay dhamaan Umadda, si aan u xusuusino mas’uuliyada weyn ee dusha ka saaran dhamaan wiilasheeda, taas oo ah in loo gargaaro Masjidka Al-Aqsaa iyo Beytul Maqdas iyadoo la bixinayo Naf iyo Maal”.

Waa kuwan wiilashaada Mujaahidiinta oo gacmahooda u taagay mid kasta oo run low ah oo doonaya u hiilinta diintiisa iyo soo celinta muqadasaatka muslimiinta, waxayna Mujaahidiintu juhdi ku bixiyeen aas-aaska mucaskaraatka Tababarada ee lagu baranayo funuunta dagaalka, waxayna halkaas ku kulmiyeen wax kasta oo uu u baahan yahay qofka muslimka ah marka uu la dagaalamayo cadowga Islaamka. Cudur daar uma harin mid kasta oo dib dhacay, albaabada Jihaadku way badanyihiin, saaxaatkiisana waa kuwa fara badan oo ku faafsan wadamada Islaamka, anaguna Wallhi waxaan ka jihaadeynaa bariga Africa, waxaana indhaha ku heynaa Beytul Maqdas, sidaas ayaan kula ballanay walaalaheena taagan dhufeysyada kale ee caalamka, waxaan ku ballanay malaaximta iyo wacdaraha aan ka dhigi doonno dhulkaas barakeysan ee xooga lagu qaatay, Bi’idnillah himadeenu ma daaleyso illaa aan cagaheena oo booroobay dhigno barxadaha masjidka Al-Aqsaa, anagoo takbiirsaneyna, oo ku dhawaaqeyna towxiidka , oo Faatixiin ah, markaas ayay Eeyaha Ruum ogaan doonaan inaan nahay wiiilashii saxabaada, oo aan hilmaamin ballanta, kuna raali noqoneynin waxaan ka ahayn guul ama Shahaado.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment