13; jir Nigerian ah oo sameeyay marwaxad Koronto la’aan shaqeyneysa

Bulsha:- Dalka Nigeria wiil 13; jir ah ayaa ku guuleystay in uu sameeyo Marwaxad shaqeyneysa iyada oo koronto la’aan ah,wiilkan oo aan heysan taageero dhinaca cilmiga ah ayaa ka faa’ideystay isku dayga hindisahiisa waxaana suuragashay tijaabo lagu sameeyay marwaxadahaas.

Ukoma Michael, oo ka soo jeeda Gobolka Imo ee Dalka Nigeria ayaa waxaa uu ku guuleystay Marwaxaddan oo shaqeyneysa 19 Saacadood Koronto la’aan.

Dadka Reer Nigeria ayaa waxaa ay aad Twitter-ka ugu hadalhayaan hindisaha wiilka da’da yar,waxaana ay ku bogaadinayaan shaqadiisa.

Marwaxadaha waxaa ay ku shaqeynayaan Batari,waxaana ay shaqeynayaan markiiba 19 Saacadood iyada oo aan la gelin dab ama koronto.

Afrika waxaa inta badan Carruurtu sameeyaan hindes cusub waxaase hoos u dhiga dhiirro gelin la’aanta ka heysata dowladaha iyo Sharikadaha Ganacsiga ee wax maalgeliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment