Ninkaagu inuu Yahay Mid Raali Kuu ah waxaa Kuu Cadeynayo Dhowrkaan Qodob Ee Cajiibka Ah..

Bulsha:- Kadib markii ay su’aalo badani oo ku saabsan astaamaha uu leeyahay ninka wanaagsan nooga yimaadeen akhristayaasha sharafta badan, sida joogtada ahna ula socda shabakada caalamiga ah ee Allsiyaasad, ayaa waxa ay Amina Ahmed Jama soo diyaarisay qodobo ka jawaabaya baahidaas.

Raaliyaysane = ninka ilaaliya xuquuqda xaaskiisa

Raga ayaa had iyo jeer raadiya haweenay raaliyo ah, halka ay haweenkuna ka raadiyaan nin u dhigma haweenayda “Raaliyo”, kaas oo loogu yeero “Raaliyaysane”. Kadibna marka ay raaliyo iyo Raaliyaysane is helaan waxa ay dhisaan reer aan waligii dumin oo ku salaysan jacayl waara.

Hadaba calaamadaha lagu garto ninka aad qabto in uu yahay Raaliayasane ayaa ah kuwan:

1. Waa nin had iyo goor ka warqabaa baahida xaaskiisa dhan walba.

2. Waa ni ay xaaskiisu ku faraxdo marka uu soo hoydo.

3. Waa mid jecel in xaaskiisu leedahay aqoon badan, kuna waaniya in ay wax barato markasta.
4. Waa nin mid aan dilin xaaskiisa, hadal xun ku dhihin, mana xaqiro.

5. Waa nin kan had iyo goor farxad ku abuura qalbiga xaaskiisa.

6. Waa nin deeqsi u ah qoyskiisa.

7. Waa mid soo dhaweeya qaraabada ay xaaskiisu leedahay.

8. Waa nin aan ka hagran xaaskiisa waxa nafteeda u roon oo aadduunyo ah hadii uu awoodo.

9. Wuxuu had iyo jeer ka codsadaa xaaskiisa in ay cafiso, maadaama uusan dhammayn karin xaqa ay ku leedahay.

10. Waakan ugu yeera xaaskiisa magacyo qurux badan sida “Shacni” oo macnaheedu yahay boqorod.

11. Waa mid aan u quurin xaaskiisa erayada ay ka mid yihiin “waad fool-xuntahay & waan ku-nacay”.

12. Waa nin caawiya markay jirran tahay iyo markay uurka leedahay.

13. Waakan ka abaal mariya ugana mahad naqa xaaskiisa dadaalkeeda.

14. Wuxuu baraa carruurtiisa xaqa hooyadood iyo in ay ushaqeeyaan.

15.Wuxuu u caddeeyaa xaaskiisa in gurigu iyada kutaagan yahay.

16. Waa kan tusa xaaskiisa in isaga waalidkiis iyo iyada keedu isku mid u yihiin.
17. Waa mid aan ficil xun iyo hadal xun ku horsamayn xaaskiisa.

18. Waa nin qowlkiisa iyo ficilkiisu isku mid yihiin.

19. Waa mid ayna xaaskiisu uga baqan sidii bahalka oo kale.

20. Waa mid aan caro badnayn.

21. Waa mid aan isaga uun iska fikirin?

22. Waa mid aan aqoon xanta?

23. Waakan xaaskiisu usheegan karto waxa baahideedu tahay, dhakhsana uga hesho.
Hadaba hadii uu ninkaagu leeyahay astaamahan ayaa waxa ay Allsiyaasad.com kuu soo gudbinaysaa hambalyo xambaarsan farxad badan. Hadii uuna ahayna u sheeg qodobadan oo ka caawi in uu ku dhaqmo!










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment