Lammaane uu soo daahay dalabkoodii Pizza-ha oo xaajeystay, haddana tallaabo yaab leh ayaa laga qaadi doonaa!

Bulsha:- Lammaane isku galmooday isagoo ku sugnaa maqaayadda caanka ah ee biisaha laga iibsado ee Domino Pizza Outlet taasoo ku taalla gobolka State of Michigan ee dalka Mareykanka.

Warbaahinta ayaana haatan sheegeysa in lammaanahaan digniin kama dambeys ah la siiyey isla markaana loo sheegay in laga yaabo inay wajahaan ciqaab xabsi ah.

Daniella Hirst ayaa lagu magacaabaa gabadha, halka seygeeda lagu magacaabo Craig Smith, labadaan shaqsi ayaana galmo ku sameeyeen goobtaan macaamiisha badan ay ka adeegtaan.

Maxkamadda Scarborough Magistrates Court ayaana ku eedeysay lammaanahaan inay ugu yaraan muddo 30 daqiiqo ah ku baashaalayeen goob aan loogu talogalin, sidaas darteed laga yaabo inay xabsi galaan.

Kaamirooyinka darbiyada lagu dejiyo ee CCTV ayaa duubay muuqaalkaas, iyadoo warbaahinta adduunka iyo baraha bulshaduba ay qaateen, waxaana muuqaalkaan si gaar ah uga dacwooday maamulka maqaayadda caanka ah ee Domino Pizza Outlet taasoo la sameeyey sannadkii 1960kii.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment