Kulan loogu Magac-daray Kacdoonka Nabadda Oo Lagu Qabtay Muqdisho.

Bulsha:- Kulankan waxaa ka qeyb galey masuuliyiin Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka tirsan, dhalinyaro iyo qaar kamid ah Ururada bulshada rayidka ah.

Qaar kamid ah kooxaha fanka, ayaa Munaasabadda ka qaaday heeso wadani ah oo u badnaa kuwa lagu baraarujinayo bulshada, gaar ahaan dhalinyaradda oo ku saabsan sidii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen horumarka iyo nabadda dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala, ayaa munsaabaddaasi ka sheegay in isbadal dhanka horumarka ah Soomaaliya ay hiigsaneyso, isagoo xusay in dhalinyararadda Soomaaliyeed ay yihiin laf dhabarka Qaranka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa dhalinyaraddii soo qaban qaabisay munaasabadda Kacdoonka Nabadda uga mahad celiyey doorkooda ku aadan Isxilqaanka ay muujiyeen, waxaana dhalinyaradda uu ku boggaadiyey sida ay u muujiyeen darreenkooda ku aadan musiibadii Zoobe, waxaana uu carabaabay in Dhalinyaradda hadda ay usoo jeesteen midnimada dalka.

R/wasaare kheyre, ayaa sheegay in Xafiiska uu joogo muddo dhan Siddeed bilood isaga iyo Madaxweynahana wali aysan is khilaafin, muranna uu soo kala dhex gelin, arrintaas ayuuna ku tilmaamay in ay tahay mid ku cusub dhagaha shacabka Soomaaliyeed, maadaama horey ay u arki jireen Madaxda ugu sarreysa ee dalka oo arrimo siyaasadeed isku haya.

Ugu dambeyntii R/wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in miisaaniyadda 2018 ee Golaha wasiiradda XFS ay ansixiyeen markii ugu horreeysay lagu soo daray lacago loo qoondeeyey Tayeynta Waxbarashada, Caafimaadka iyo Afka Soomaaliya, waxaana uu xusay in 2018; Dowladda ay dhisi doonto Akadheemiyad Afka Soomaaliga ugaar ah, laguna dhisi doono lacag shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment