Daawo: Trump oo Khudbad u Jeediyey Baarlaamka Kuuriyada Koonfureed iyo Digniintii Kuuriyada Waqooyi

Bulsha:- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah inuu sameysto gantaalada iyo hubka niyuukleerka.


Trump ayaa dhanka kale ammaan u jeediyay Kuuriyada Koonfureed, waxaana uu ku bogaadiyay horumarka iyo sida ay dalkaasi uu uga duwanyahay waxa uu ugu yeeray dal xabsi ah oo uu ula jeedo Kuuriyada Waqooyi. Trump ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay in wado sax ah lagu hogaamiyo Kuuriyada Waqooyi.

Trump ayaa hogaamiyaha xukuumadda Pyonyang Kim Jong Un uga digay in hubka uu horumarinayo uu khatar u kenayo dalkiisa, waxaan uu intaa ku daray in caalamka uusan marnaba u dulqaadan doonin ficilada dowladda Kuuriyada waqooyi.
Madxaweyne Trump oo lagu wado inuu usii gudbo dalka Shiinaha ayaa baajiyay Safar uu ku tegi lahaa goob ka caagan milateriga ceriyaamo awgeed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment