Blogger Widgets

Ciwaanka Twitter-ka ee Donald Trump oo hawada looga saaray (Maxaa dhacay)

Bulsha:-   Barta uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku leeyahayTwitter-ka ayaa si kooban hawada looga saaray shalay, wax yar ka dib uu hawada ku soo laabtay, sida ay sheegtay shirkada leh bartan ay bulshadu ku xiriirto.


Shirkadda Twiiter ayaa waxay sheegtay in ciwaanka @realdonaldtrump hawada looga saaray si aan ula kac ahayn, ayna ahayd khalad bani’aadan oo ka dhacay qof u shaqeeya Twitter-ka.

Ciwaanka madaxweynaha ayaa hawada ka maqnaa11 daqiiqo, Twitter-ka ayaana hadda baaritaan wada.

Trump ayaa aad u isticmaala Twitter-ka waxaana wararkiisa ku xiran 41.7 milyan, walina kama hadlin arrintan.

Dadkii booqday ciwaanka madaxwaynaha fiidnimadii Khamiista wakhti kooban waxay arki kareen fariin oranaysa “ciwaankaas ma jiro!”.

Ciwaanka markii uu dib u shaqeeyay Trump wuxuu markii u horaysay soo dhigay qorshaha xisbiga jamhuurigu uu ku doonayo in uu ku dhimo canshuurta.
Trump ayaa si joogto ah u iisticmaala bartan si uu ugu faafiyo afkaarihiisa, sidoo kale wuxuu ku weerarayay dadka ka soo horjeeday intii ay socotay ol’olihii doorashada ee 2016kii iyo intii uu xilka la wareegay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment