Arday U Dhashay Dalka India Oo Sameeyey Kobo Dumarka Ka Caawin Kara Inaan La Kufsan (Daawo Sawirro)

Bulsha:- Marka la joogo dalka India, kufsiga ayaa maaro loo waayey, waana ay adag tahay in warbaahinta Hindiya aysan maalin kasta ka sheekeyn kiis kufsi ah oo fool xun oo dalkooda ka dhacay.

Dowladda India ayaa maaro u weysay kiisaska galmada, sidoo kalena gabdhaha ayaa mustaqbalkooda maalin walba lagu ciyaaraa. Wiil 18 sanno jir ah ayaana haatan go’aansaday inuu caawiyo dumarka dalkiisa India, isagoo u sameeyey kobo Electronic ah ama koronto ku shaqeeya kuwaasoo uu sheegay inay si weyn u caawin doonaan.
Siddharth Mandala oo ah arday kasoo jeeda Telengana, India ayaa wuxuu sameeyey kobahaan oo uu ugu magac daray ElectroShoe kuwaasoo uu sheegay inay yihiin nuuc loo naqshadeeyey inay dumarka ka caawiyaan inaan la kufsan (Anti-rape assault footwear).

Kobahaan ayaa waxaa ku xiray beteri, sidoo kalena waxay leeyihiin gambaleel cod dheer oo boliiska ugu yeeraya goobta markaas gabdha lagu weeraray. Waxaana intaas usii dheer inay gabadha ka caawinayaan inay si xowli ah uga cararto ragga markaas doonaya inay kufsadaan.


Kobahaan ElectroShoe ayaana dhowaan suuqa lasoo dhigi doonaa, wiilkaan sameeyey ayaana daaha ka qaaday in uusan marnaba ka quusan inuu sameeyo kobahaan inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu ku dhowaad 20 jeer ku guuldarreystay isku daygiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment