SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo lagu soo dhoweeyay Itoobiya

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah gaarey magaalada Adis Ababa, tan oo ah lugtiisi labaad safar uu ku maraayey dalalka deriska ah.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Raysalwasaraaha Itoobiya, waxaana uu kala hadlayaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaalanka al-Shabaab kadib qaraxii xoga weynaa ee dhacay 14 Oktoobar oo lagu diley 352 qof.

Waa safarkii Labaad ee Farmaajo ku tago Itoobiya tan iyo markii loo doortey xafiiska, waxaana uu ka baaqsadey laba shir oo Itoobiya lagu qabanaayey, kuwaas oo uu ka qaybgalay raysalwasaare Kheyre.
Farmaajo ayaa soo marey dalka Uganda waxaana uu kulan la qaatey Madaxweyne Museveni oo uu kala hadley qorshiha uu kaga jawaabayo xasuuqii 14 Oktoobar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment