Sawirro: Kulankii dhexmaray Madaxda DF-Soomaaliya iyo Maamulada Dalka

Bulsha:- Madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa goor dhow kulan is-arag oo Guriga Madaxweynaha ee Madaxtooyada, waxaana kulankan uu horudhac u ahaa shirka goor dhow ka furmaya Madaxtooyada.

Kulankan is araga ah ayaa ka dhacay qeybta VIP-da ee Guriga Madaxweynaha, halkaasoo Madaxweynuhu ku qaabilay Madaxda maamul goboleedyada oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulankan uu ahaa mid bilow u ah shirka goor dhow u furmaya Madaxda, kaasoo looga hadlayo khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada, xaaladaha nabadgelyo ee dalka, arrimaha dastuurka iyo qodobo kale.

Shirka ayaa ka furmi doona Hoolka shirarka ee Xafiiska Madaxweynaha, waxaana lagu wadaa in shirka si rasmi ah u furo Madaxweyne Farmaajo.
Shirkan ayaa dhacaya maalin kaddib markii weerar lagu hoobtay ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment