Maraykanka iyo Israa’iil oo isaga baxay xubinimadii hay’adda UNESCO (Sabab)

Bulsha:- Maraykanka iyo Israel ayaa sheegay in ay ka baxayaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO oo ay ku eedeeyeen waxa ay ku sheegeen in ay ka xagliso Israel.

Wasaaradda arimaha dibadda Maraykana ayaa sidoo kale waxay eedaha loo soo jeediyey ee ah in aanay muddo lix sanadood ah bixinin qaadhaankii ku waajibay ee ururkaa la siin jiray kaga jawaabay in sababta ay u joojisay tahay xubinnimada hay’addaa laga siiyey maamulka Falastiiniyiinta.

Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay go’aanka Maraykanka mid geesinimo leh isla markaana damiirka san waafaqsan.

Madaxa UNESCI, Irina Bokova, ayaa ka xumaatay go’aankaa, weriye ka tirsan BBC-duna wuxu sheegayaa in go’aankani tusaale u yahay dhaleecaynta madaxweyne Trump ku hayo qiyamka iyo dhaqaalaha dalkiisu siiyo hay’adaha Qaramada Midoobay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment