Dowladda Qadar oo qorshe lagu kasbanayo DF ka wada Muqdisho

Bulsha:- Dowlada Qadar oo xiriir wanaagsan la leh dowlada Somalia ayaa wada qorsho ay ku kasbaneyso dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Qorshaha cusub ee Qadar ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu dhisaayo ciidamo khaas ah oo dowlada Somalia ka garabsiin doona dhanka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada Somalia ee Al-shabaab.

Dowlada Qadar oo diiwaan galinta ciidamada cusub kawada magaalada Muqdisho ayaa si gaara u qoraneysa dhalinyarada u nugul difaaca dalka.

Waxaa la xaqiijiyay in dhalinyarada qaarkood loo qaadi doono dalka dibadiisa, halka qaarna ay tababarada ku mari doonaan xero ciidan oo ku taala Muqdisho.

Tirada ciidamada ay diiwaan galineyso dowlada Qadar ayaa la xaqiijiyay inay gaarayaan 1,000 kuwaa oo lagu xulan doono sifooyin gaara.

Dowlada Qadar ayaa garab ka ah xulafada Turkiga marka la’eego Siyaasada dowladaha muslimka ah, waxaana xusid mudan in Turkiga uu dhawaan Saldhig ka hirgaliyay Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, qorshaha ay dowlada Qadar ku dhiseyso ciidamada cusub, ayaa waxaa ka danbeysay dowlada Turkiga oo iyadu galaangal ku dhex leh Somalia.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment