Daawo: Wararkii ugu dambeeyay Shirka Kismaayo Iyo Go’aano Hordhac ah oo Laga Helay Madaxda Maamuladda.

Bulsha:- Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxda Maamul Gobolleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Labadii Maalin Ee la soo dhaafay ku shirayay Magaalada Kismaayo ay heshiis hor-dhac ah isla gaareen.


Xubno ka mida Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada ayaa Xaqiijiyay inay jiraan Qodobo dhowr ah oo ay isku raaceen Hogaamiyaasha ku shirsan Kismaayo islamarkaana ay jiraan Qodobo aan weli la isku Afgaran oo ka doodistoodu socoto.

1- in la Sameeyo Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada

2- in Sanadkiiba ay mar kulmaan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada,iyadoo Kulankaas lagu qaban doono Magaalo uu ka taliyo mid kamida Maamulada.

3- in Madaxda maamul Gobolleedyada ay iska dhex doortaan Hogaan,Hogaankaas oo aan weli la caddeyn,balse Qodobkaas ay weli doodiisu socoto.

4- Qodobka Afraad waxaa uu sheegayaa in Golaha ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada uu u taagan yahay Xalinta Khilaafaadka oo Madashaas ay xalin doonto haddii Labo Maamul uu Khilaaf soo kala dhex galo.

5- Qodobka Shanaad ee ay isku Afgarteen Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada waxaa ka mida in Qodobada ka soo baxa Shirkooda ay la wadaagaan Dowladda Dhexe oo Muqdisho loogu keeno iyo in sidoo kale loo bandhigo Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada.

6- Qodobka Lixaad ayey isku raaceen in Guddi ay u saaraan Khilaafka Xoogan ee ka dhex jira Madaxda Maamulka Galmudug.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment