Daawo Video: RW. Khayre oo Baajiyey Safarkii Turkiga, Wuxuu ku arkay Zoope iyo Gurmadka Shacabka Soomaaliyeed

Bulsha:- Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa booqday goobtii uu ka dhacay qaraxu iyo Isbitaalka Madiina isagoo dhiiggiisa ugu deeqay shacabkii Masaakiinta ahaa ee lagu xasuuqay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.


Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka baaqday safar rasmi ah oo uu ugu kicitami lahaa dalka Turkiga kadib masiibadii shalay ka dhacday Muqdisho si uu shacabka Soomaaliyeed ula qaybsado Mashaqadii shalay ka dhacday Muqdisho, Wuxuuna kulamo rasmi ah la  yeelan lahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la hadlay dalal kala duwan isagoo  ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, dhowaana waxaa bilaabaneysa in dadka dhaawacyadoodu culus yahay loo qaado dalka dibeddiisa, iyadoo Qaybta ugu Horeysa Berri la qaadi doono.

Madaxda Soomaaliya ayaa Noqday kuwa Xanuunka la qaybsanaya Dadkooda, waxaana Shacabka la gudboon inay Taageero u muujiyaan Hay’adaha kala duwan ee Dawladda si guud ahaanba dalka loogu soo dabaalo Xasiloonin iyo Nabad.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment