Daawo: Taliyaha Booliska Puntland oo isku dayey inuu Garoowe ku dhex dilo Gudoomiyihii iyo Masuul uu dhaawaay

Bulsha:- Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Xabadda haleeshay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa uga dhacday jilibka. Wararka ayaa sheegay in gacan ka hadal dhexmaray taliyaha iyo guddoomiyaha ay sababto in taliyuhu uu bastoolad u xirnayd la baxo oo rasaas ku furo guddoomiyaha.

Goobjooge ayaa u sheegay VOA in shaqaaqadan ay ka dhacday shir dhinaca amniga looga hadlayay oo ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Garowwe.


Shirkaasi waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo kuxigeenkiisa, Gobalka gobolka Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland.

Labadan mas’uul ayaa isku qabsaday mas’uuliyadda amniga gobolka Nugaal gaar ahan ciidanka amniga gudahiisa.

Taliyaha Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg ayaa dhowaan waxa shaqadiisa dib ugu celiyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas kaddib xil ka qaadis u horay ugu sameyay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin xaaji Cumar Cameey.

Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii sidan oo kale gacan ka hadal dhexmaray saraakiil booliska ka tirsan uu dhaawac halis ah ka soo gaaray wasiirkii Amniga xiligaas Cabdi Xirsi Cali Qarjab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment