Daawo: RW. Khayre oo Jawaab Adag ka bixiyey Shirkii Kismaayo Iyo Siduu uga hadlay xaalada dalka Somalia

Bulsha:-  Xasan Cali Khayre R/wasaaraha Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalka marayo, Isagoo Khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Calanka Soomaaliya oo lagu qabtay Garoonka Kubadda Koleyga Wiish Stadium ee degmada C/casiis, Wuxuuna xusay in umadda Soomaaliyeed uu u soo baxay Iftiin.


“Hadii ay jiri jirtay Marka isjiid jiid yimaado Madaxdu inay Niyad Jabto Madaxda Idin hortaagan maahan kuwaas.

 Haday jirto qof Soomaaliyeed oo ka welwelsan maalma la qeyqeylinaya ama buuq siyaasadeed baa dhacaya sidaa daraadeed Madaxda qolkeedii bay ku laabanaysa, waxaan idiin ballan qaadaya in aan idinla mari doono illaa meesha u danbeysa aan tegi doono.

Waxaan soo jeedinaya inaan meel ugasoo wada jeesano shacab iyo Dowladdba kuwa doonaya in ay dumiyaan waxa yar ee inoo dhismay, waa inaan qofka aan doorano oo Madaxda inoo ah oo Madaxweynaheena iyo Guddoomiyaheena ay ugu horeeyaan iyo Wasiiradeena inaan siino fursad ay dalka wax ugu qabtaan.
Inaan ku bedelano dhaqankii ahaa anigu hadaanan wax helin dalkaa la duminaya, dalkaa kaa horeeya adiga! In aan ogaano in qofkasta, Xisbi kasta iyo Koox kasta ay ka weynyihiin, Jiritaanka Calanka, Nabadda iyo Dowladnimada.

Mar walba meel ayeey taariikhda ka billaabataa maantay oo ay tahay, 63 sano-guuradii kasoo wareegtay markii Calankeena dhidibada loo taagay, cida doonaysa in ay ka mid noqoto taariikhda cusub oo dalka laga sameyn doono, waxaan lee’ahay kaalay anaga nasoo raac” Ayuu Yidhi R/wasasaare Khayre.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment