Daawo: Dawladda Spain oo kala dirtay Madaxdii Maamul Goboleedka Catalan oo gooni goosad ku dhowaaqay

Bulsha:-  Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa kala diray Baarlamaanka goboleedka Catalan, isagoo ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay oo dhaca dhamaadka sanadkan.


Baarlamaan goboleedka Catalan ayaa shalay u codeeyay inay noqdaan dal ka madax banaan Spain, taasoo ka dhalatay jahwareer siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa sheegay in la baal maray sharciga, waxaana uu xilka ka qaaday Hoggaamiyaha Catalan iyo Golihiisa Wasiirada.

Hoggaamiyeyaasha Caalamka ayaa ka soo horjeestay madax banaanida Gobolka Catalan, waxaana ay taageereen Midnimada dalka Spain.
Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray Gobolka Catalan dibad baxyo ay dadka ku dalbanayeen madax banaani, waxaana tani ay keentay wal wal ku aadan midnimada dalkaas.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment