wax ka baro arimaha jaceylka iyo ,,,,,

Bulsha:- 1*Qalbigaa ku tebay hadii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa,dikaanka wadnaha wuxuu i noqdaa mid boobsiis ah marka aan hortaaganahay,ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray,laakin waxaan hubin karaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen,islamarkaana aan kuu riyaaqo Indhuhu wey kugu doogsadaan.

2* Malaga yaabaa in waxa aan dareemaayo yahay jaceylkii dhabta ahaa ee buugaagta keliya lagu xusi jiray? Mise aniga ayey ii sawiran tahay in dunida xagaaga keliya dhadhan iyo macanba ka leedahay?

3* Rajeynta inaad dhinacageyga taagnaan doontid inta nolosheyda ka dhiman,sababtoo ah waxaan qabay dareen ah in jaceylkaaga uu ku tiirsan yahay dareen kulul. Aan dhahno hadii aan isla wadaagno nolosha waxaan noqoneynaa dadka aduunka ugu nasiibka wanaagsan.

4*Waad iga istaahishaa inaan kuu riyaaqo,inaan ku xushmeey,waxaan kaa helaa bogaadin inta ugu badana waxaan kaa helaa jaceyl mug leh

5*Jaceylku waa sida dagaal si fudud ku bilowda wuxuuna ku dhamaadaa si adag,macquulna ma’ahan in la ilaawo.

6* Waxaan rajeynaa inaad si wanaagsan u fahanto inaan ku jeclaan doono ilaa inta ka dhiman nolosha,sababtoo ah waxaad tahay qofka keliya ee nafta bogsiisa,islamarkaana aan ku aaminay riyada mustaqbalkeyga.

7*Marwalba dhinacaaga iga fiiri xabiibi,wax dhib ahna malahan duruurfaha adage e nolosha waxaa keliya looga gudbi karaa qalbi saafi ah oo jaceyl iyo daryeel kuula diyaar ah Jaceylkeyga waa mid qoto dheer oo runta ku saleysan, xiisuhu wuxuu kordhiyaa aragtiyada caashaqa,qalbiguna wuxuu u garaacmaa si dhaqsi leh markaan isha ku saaro,waana arinta ugu macaan ee nolosheyda soo marta inaan habeen iyo maalin qalbiga kuugu haayo.

8*Jaceylkeyga weligiis wuxuu ahaan doonaa mid ah oo laga ilaaliyey qiyaano iyo daneysi,nafteyda ayaanba ii ogolaaneynin iney ilbiriqsiyo qof aan adiga aheyn isha ku xado

9* Jaceylku waa sida xidigaha,waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha,waxaa loo hagaajiyaa sida nolosha tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey.

10* Qalbigu wuxuu leeyahay ereyo u gaar ah oo lagu koriyaa jaceylka, waa ereygo mudan in la xanaaneeyo,adigana waxaad ii tahay qof si qaas ah qiimo ugu leh jiritaankeyga

11* Waan ku tebayaa,maalmahana waan xisaabiyaa,waa iga qiima badan yihiin saacadaha aan kula kulmaayo maalinta saacadaheeda kale.

12* Marna ma ilaabi doono ruuxdaada aadka u quruxda badan ee loo wada riyaaqay,ee awooda u leh iney iga dhigto qof aaminsan sida ay u macaan tahay nolosha, sida ay u wanaagsan tahay joogitaankaaga oo aniga iga dhigay qofkan dhameystiran ,waxaad ii hirgelisay riyooyinkeyga iney noqdaan kuwa rumoobay,islamarkaana hamiga nolosha aan wadaagnay waa natiijada xanaano iyo xubi miro dhala.

13* Nolosheyda la’aantaa macno dhan ma’lahan.Hadii aad ogaan laheyd sidaan kugu xiisay! 

14* Marnaba ma sii deyn doono dareenkaan inuu gacanteyda ka baxo,aan ka faa’iideysano fursadaha nolosha noogu deeqday anagoo iska dhowrneyna inaan si kutalagal la’aan ah isku dhaawacno.

15*marka aan maqlo Qosal kada ama hadalkada macanta badan daremaha jir keeyga oo idil wuu is bedelaa oo waxaa buxsho naxariis iyo jecel mug weyn mcn dunida ha igu cidleen waligaa waxa tahay qofka kaliye ee dunida ugu jeclahay aana ka fikiro har iyo habeen











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment