Blogger Widgets

Wax Badan Oo Aadan Ogeyn Ka Ogoow Xuquuqaha Dumarka Waagii Hore Iyo Hadda..!!

Bulsha:- Xilligii saman  jaahiliga ( Islaamka ka hor) ruuxa dumarka ah qabaa’ilka Carbeed waxay u arkayeen waxaan qiimo lahayn oo way quudhsan jireen, haddii qofka yar ee reerka u dhashaa uu noqdo gabadh waxay Aasi jireen iyadoo nool).

Sidoo kalena qofka dumar aha ee gabawdayna ama islaantu wax sharaf ah kumay lahayn bulshada dhexdeeda, waxa kale oo caado iska ahayd inay inanta gashaantida ku qasbi jireen in ay jidhkeeda ka ganacsato, si ay reerka xoolo ugu soo hesho.

Dhinaca dhaxalka xaq uma lahayn qofka dumri in wax laga siiyo dhaxalka, ninkeeda wax xuquuq iyo tix gelin ah kumay lahayn,inta goor ee ay gabadhu furmaysaana ma lahayn tiro go’an iyo xad uu ku joogsado.

Sidoo kale Dumarka guursigooduna ma lahayn tiro iyo xad go’an oo uu ku joogsado , ninkuna intii kolba rabo ayuu guursan jiray, inay doorato ninka ay guursanaysona wax xaq iyo xuquuq ah umay lahayn.

Haddii Aabuhu ka tago gabadh iyo carruur bah kale ah oo aanay dhalin gabadhaas uu ka dhintay waxa dhici jirtay in wiilka ugu weyn bahdaas kale uu guursan jiray hooyadood oo ah gabadha aabihii ka dhintay ee aan isga dhalin isagoo u arkayay inay tahay dhaxalkii aabihii oo ay la mid tahay xoolaha kale ee aabihii ka tegay.

Reer Yurubka maanta xorriyadda dumarka ku faanayana waagii hore doodoodu waxay ahayd qofka dumari ruux bay leedahay sida raga iyo ma laha.

Waxay taariikhdu inoo sheegaysaa in dawladihii hore ee Giriigu ay gabadha xaqiri jireen waxaanay ruuxa dumara u arkayeen wax hoose oo aan qiimo lahayn, waxaanay xaaladdu gaadhay heer gabadha la qabo iyo ta inanta ahba loo iib geeyo suuqa oo la weydaarsado lacag. Waxay ahayd gabadhu mid laga xayuubiyay xuquuqdeeda madaniga ah iyo ta dhaqaaleba.

Waxay ahaayeen qaar u diiday inay wax dhaxasho, haddii la guursadana ninkeeda ayaa geli jiray halkii aabbaaheed oo may lahayn masuuliyad iyo go’aan qaadasho madax banaan, Sidoo kale xaq umay lahayn inay ku tasarrufto xoolaheeda amaba ay gasho heshiisyo baayacmushtari oo aanu ninkeedu ogayn.

Sidaasi ayuu ninku u ahaa mid si toos ah oo buuxda gacanta ugu haya gabadha. Sidaas baanay ahayd xaaladda qofka dumara ilaa Allah dawladoodii, xorriyaddoodii iyo dhaqankoodiiba ku burburiyay gacmaha ninkii la odhan jiray Filib iyo inankiisii Askandar Almaqdooni.

Waxa iyana taariikhdu inooga warrantay in boqortooyadii reer Ruum la mid ahayd ta Giriiga halka ay gabadha ka taagnayd.

Wadaaddada masiixiyiinta reer Yurub qudhooda ayaa waxay gabadha u arkayeen wax xun oo ah tiirka sharku cuskado, waxay la ahayd inay tahay isha ay xumaanta iyo macsida oo dhami ka soo burqanayso  iyo inay tahay albaab ka mida albaada jahannama.

Waxyaabaha kale ee ay gabadha ka aaminsanaayeen waxaa ka mid ahaa in ay iyadu sabab u tahay dhaqdhaqaajinta dareenka ninka, iyo in quruxda gabadhu tahay hubka ibliiska oo aanu jirin hub kale oo u dhigma oo shaydaanku adeegsan karo.

Xaaladdaasi foosha xun ee murugada leh iyagoo haweenku ku jiro ayuu Islaamku soo baxay wuxuuna ku dhawaaqayay:

“ Xorriyadad haweenka, hadday tahay dhinaca cibaadada, guurka, dhaxalka, waxbarshada iyo dhawrsnaanta.”

Inat aynaan u gelin sida uu Islaamku sharaf iyo qiimo ugu yeelaya gabadha , taariikhda cusub ee Yurub aan wax yar ka soo qadano:

Sida uu ku qoray ninka la yiraado Herberat Sbenser kitaabkiisa la yidhaahdo cilmiga bulshada Masaaridii horena waxay gabadha u arkayeen inay tahay saldhiga sharka iyo ta sababta masaa’ibta iyo balaayooyinka dhacaya.

Sanadkii 1805, oo ah wakhti aan siiba fogayn dastuurka Ingriisku wuxu ninka u ogolaanayay inuu gabdhiisa ka iibin karo nin kale haddii uu naco ama dhibaato dhaqaale la soo daristo.  Mar danbe ayaa la soo saaray Sharci xaarantinimeeyay qodobkaasi.

Waxaana dhacday in nin Ingiriisi ku iibiyay gabadhiisii shan boqol oo gini sananaddii1930kii, looyaradii difaacayay ayaa waxay doodeen in qaanuunka Ingiriisku boqol sano ka hor uu ninka u ogolaanayay in uu iibin karo gabadhiisa haday iyadu ogolaato, sidaas darteedna ay iyadu ogolaatay oo aan denbi ahayn.

Maxkamadii ayaa iyana waxay ugu jawaabtay qaanuunkaas waxa la baabiiyay sanaddii 1805tii, waxaana lagu beddelay qaanuun kale oo xaaraantinimeeyay falkaas ah iibinta gabadha, markii muddo la isku haystay fal denbiyeedkan , mar danbe ayay Maxakamadu ku dhowaaqday xukunkiisii oo noqday toban bilood oo xadhig ah.

Sida uu qoray wargeyska qadiimiga ah ee Xadaaradda Islaamka sanadkeedii 2aad Xaashidda  1078, in nin Talyaani ahi gabdhiisi ka iibiyay nin kale isagoo kula heshiiyay inuu hafto ku bixyo lacagta (Installment), waxayna sheekadu ku soo xidhnatay markii ninkii daynta lagu lahaa bixin waayay lacagtii inuu dilo ninkii gabadha ka iibiyay.

Waxaad tixraaci kartaa Kutubta hoos ku qoran oo aanu ka soo uririyay Maqaaladan:

1-      Kitaabka (Ilabaxinamadeena Wanaagasan) ee uu qoray Sh,Mustafe Subaaci

2-      Kitaabka (Nolosha gabadha Muslinka ah) ee  Wahbi Sulayman

3-      Kitaabka (Nolosha gabadha iyo shareecadda) ee Sh.Yuusuf C/laahi Al-Daqfaq

Nolosha fiican ee gabadha wanaagsan ee soo saaraysa faca tarbiyada iyo akhlaaqda leh oo waxtarka u leh bulshada mustaqbalka dhow, kuma imanayso iyadoo la raac raaco tilaamaha ay bixinayaan kuwo iyaba ay burburtay qoyskoodi iyo dareenkii ruuxiga ahaa ee gabadhihii ay dhaleen, kuwii dhalay iyo kuwii u dhaxayba. Kuwaasi oo ku niyad jabay hortooda,  oo aan helin dariiqa badbaadada nolosha.

La soco Qeybaha Danbe Haduu ALLE idmo ..










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment