WARBIXIN: Sida ugu fudud ee lagu ogaado qofka jaceylka uu haayo..Qalinkii Fanax fariid

Bulsha:- Inkasta oo ay adagtahay in la ogaado dareenka gudaha ee qof ka dhex aloosan, hadana culimada u koor gasha cilmi nafsigu waxa ay awood u leeyihiin in ay ogaan Sida ugu fudud ee lagu ogaado qofka jaceylka uu haayo
Inkasta oo ay adagtahay in la ogaado dareenka gudaha ee qof ka dhex aloosan, hadana culimada u koor gasha cilmi nafsigu waxa ay awood u leeyihiin in ay ogaan karaan dareenka gudaha ee qofka lagu sameeyo darsaad ama waraysi lala yeesho. Hadaba culimada ku xeesha dheer cilmi nafsiga waxay isla garteen in astaamahan soo socda yihiin kuwa lagu aqoonsan karo qofka jacaylku hayo.
1 — Qofka jacaylku hayo waxa lagu gartaa inuu dhidido eyadoo jawigu qabaw yahay ama dhexdhexaad yahay, waxaanay culimadu ku ciliyeen inay arintan sabab u tahay fikir fara badan oo qofka wax jeceli ku maweeliyo naftiisa iyo isagoo sawirta humaagyo uu ku hantiyayo qofkuu jecelyahay kuwaas oo kor u qaada heer kulka xubnaha jidhka oo dhan.

2 — Qofka wax jecel waxa lagu gartaa inay ku yaraato go’aan qaadashado, waxaana kaliya ee uu wax ka maqlaa lamaanahiisa oo run iyo beenba si fudud uu wax uga qaato.

3 — Qofka wax jecel waxa inta badan ka agdhaw oo aan laga waayin la taliyayaal maqaar saar oo uu si joogto ah ugala tashado isbedelka maalinlaha ah ee soo foodsaara arintiisa jacayl,l aakiin talooyinka la siiyo waxa u cuntama oo kaliya wixii taageeraya sii noolaanshaha xidhiidhka lamanahiisa, hasa yeeshee wixii ka dhana ma qaato xitaa hadii karaamadiisa iyo sumcadiisu ku jirto.
4 — Qofka jacaylku hayo waxa lagu gartaa wuxuu inta badan xiiseeyaa cuntooyinka fudfudud “fast foods” sida jaamka sanwijka iwm isagoo inta badan ka waji dadba cuntooyinka culculus sida hilib geela, fuulka iwm.

5 — Qofka jacaylku hayo waxa lagu gartaa inuu tago qolka hurdada ugu yaraan laba saacadood ka hor xiliga hurdada si uu kaligii naftiisa ula shawro una dejiyo dariiqada ugu haboon ee uu kusii wada karo wada socoshada isaga iyo lamaanahiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment