Sixs baaggu Ma Sahlana!!

Bulsha:- Kaabadda gurigeeda ayay hor fadhiday. Laba wiil iyo laba hablood oo ay dhashay qiyaastiina ka u weyni uu yahay 12 jir ayaa agteeda ku ciyaarayey. Afarteeda carruur ahi waa qalqaaliyiin oo waa fara-laga-qaad miidhan. Way is eryanayaan, way is riixriixayaan, marna way is shiidayaan. Miskiinta dhuntaa ku caddaatay sida ay u kala celinaysay. Markii danbe ayay si cadho leh u tidhi, “waar ballayo ha qaadatee tolow kii dhalay yaa iigu yeedha?” Illeyn anna afkaa layga faalee wuxuun baa iga soo dhacday, “ballaayo way qaadi oo gabadh baa kaa qaadi!” “Yaaa? Waxaad tidhi bal ku soo celi” ayay tidhi iyada oo sanka ka wilig wilig siinaysa. “Ninkan aad ku habaareyso inay ballaayo qaadato, waa qaydan oo gabadh ballaayo ah baa kaa qaadi doonta” ayaan ugu jawaab celiyay aniga oo giir iska kicinaaya.

Hal mar ayuunbay istaagtay. Kab ayay igu soo tuurtay. Sha’ waan ka gabbaday. Haddana tii labaad ayay igu soo muguujisay. Wif iyana waan u gasay. Halkaa marka ay mareyso ayay qaylo afka furatay oo afartii ciyaar ah ayay igu soo jeedisay, “tuug tuug, waar tuugga shiida” ayay tidhi. Illeyn waa ciyaal wax shiida la yidhiye intay layn soo galeen oo ay faraqa dhagxaan ka soo buuxsadeen ayay sidii falastiiniyiinta shiid igu bilaabeen. Mururuf ka gabbo, haddana xuguguf ka foorarso, oo haddana muguguf is tuur. Shan dhagax markaan ka gabbaday, shanna ay igu dhacday, shanna kale na ay igu soo socdan, ayaan cagaha wax ka dayay oo fadhaqaan tiiriyayo – illeyn nafi orod bay kugu aamintaaye-.

Yararkii orod bay i soo daba dhigteen iyaga oo ku qaylinaya “tuugga qabta tuugga qabta!” Bal badda aan galay eega, xaafaddii oo dhan waa taa shururug laygu soo yidhi. Qayladaa yeedhay “tuugga qabtaay” ayaa laysla na oogsaday. Orodkii orod ku daray. Kufay mase jabin oo durbadii booday. Haddii ay i qaban lahayeen way ii dhammaan lahayd se orod baan kaga baxay sakaddiiba.


Anigoo gantaal ah, oo xiinfiniin ah ayaa waxa iga soo hor baxday tu yar oo isteel wacan oo aan islahaa malaha waa ay horreysaa oo kula hadli mayso, waa se ay danbeysaye intay wadadii isku goysay ayay kab ila baxday. Kute, “istaag istaag tuugyahow”. Kolkaasaan inta aan isku maqiiqay ayaan idhi “sigisbaag ayaan leeyahay, sigisbaag ayaan leeyahay!” Kolkaasay inta ay kabtii dib u gashatay igu tidhi, “waahwaah, waar soo soco haddaa!” Inta ay bahal neef ahi iga soo boodday ayaan orod ku dhaafay. Waxoogaa markaan ka durkay ayaan dib u soo jalleecay. Kolkaasaan idhi, “hooy yartaay waan iska ciyaaraayey ee sigisbaag ma lihi!” Kute “tuugga qabta tuugga qabta.” Maxaa lay qabtaa waa xilli aan meeshii ka libdhaye.
Waar sigisbaaggu wax hawl yar ma ahade!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment