Sidee Loo raaligaliyaa qofka Nolosha kulawadaagaya? Raac Qaabkaan

Bulsha:- Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaantiimba saaxiibayaal,kuna soo dhawaada warbixin gaar ah oo aan todobaadkaan diiradda ku saarayo sida loo raali-geliyo Xaaskaaga/Ninkaaga, ama qofka uu idiinka dhaxeeyo xiriirka saaxiibtinimo,marka uu khilaaf idiin soo kala dhex-galo maadaama isku-dhaca uu qeyb ka yahay nolol maalmeedka dadka ama lamaanaha.

Qof waliba waxuu jecelyahay nolol leh farxad joogta ah,haddana waxaa laga yabaa in aysan sidaas mar waliba suuragal aheyn.

In wax laga barto sida loo xalliyo ama loo qanciyo lamaanahaaga waa cilmi dheer oo u baahan daalacasho badan, si looga bad-baado kala tag deg deg ah intiiba suuragal ah.

Kibirka ama is-adkeysku waa mid ka mid ah wadooyinka loo maro guul darrada.

Ceeb iyo wax xun toona maahan in aad u jillicsanaato qofka aad xiriir wadaaga tihiin,waxaase sidookale muhiim ah iyo ixtiraamka uu ka yimaado labada dhinac.

Sida caadiga ah dadku waxay ku kala duwanyihiin aragtida iyo garashada,qof walibana waxaa uu xaq u leeyahay inuu cabirro dareenkiisa haddii aysan wax u dhimeynin Diinta iyo Dhaqanka.

Sidookale waa lagu kala duwanaan karaa aragtida, waana dabciga aadamaha oo dhan.

Aragtideyda, qodobadan waa qeyb ka mid ah sida loola hadlo lamaanahaaga,marka uu dareemo xanaaq ama xumaan,sidooakle muhiim maahan in aad is-adkeyso xitaa hadddii lagaa khaldanyahay, waayo xalka mararka qaar waxuu hoos galaa in aad adiga qaadato dambi aadan laheyn.

Waxaa laga yaabaa in Telfoonka laguugu damiyo, oo xitaa aan laguu ogolaanin wax hadal ah,fadlan haka daallin inaad fariin qoraaleed u dirto lamaanahaaga,si aad u muujiso in aad la dareemeyso xanuunka hayo,taas ayaa xal noqon karta.

Qodobaddan waa qaar ka mid ah qaabka loo maro raali gelinta lamaanaga,waa laga yabaa in aad adigane fikir kale heyso.

1-Qalbigeygu wuu dilaacay, dhiig ayaana ka socda, lagasoo bilaabo illaa xilligii aan waxyeelo kuu geystay oo  aad weysay farxaddaada,fadlan duug godadka ka qodmay qalbigaaga, kuna dabool cafis naxariis leh.

2-Waxaa ii farxad ah inaad noqoto lamaanaheyga,wehelka nolosheyda,kamana daali doono inaan kugu dhaho Sorry ”raali noqo” oo i cafi, xiili kasta,Lamaane.

3-Waxaan dareemayaa inaan wax u dhimay aaminaadaada,waxaan sidookale musiibo geliyay oo murugo u sababay nafsadeyda,laakiin haddana waxaan xaqiiqsanahay in jaceylkaaga oo dhan uu ka buuxo qalbigeyga, waan ka xumahay tacadigeyga

4- Ogow xaq ayaad u leedahay inaad carooto,haddana ha hilmaamin in anigane aan farxad dareemi doonin ilaa aad iga aqbasho raali-gelinteyda,

5- Waxaan ku eedeynayaa nafteyda xanuunka aan u geystay noloshaada,waxaan haddana diyaar u ah inaan sameeyo wax kasta oo aan kugu raali gelin karo,aadna ku farxi karto,waxaan doonayaa inaan baabi’iyo farqiga inoo dhaxeeya oo dhan,

6- Waxaan kugu sababay xanuun,waan kaa oohin siiyay,waan ku dhaawacay,waan kaa xanaajiyay,dhacdadaan darteed waxaan eedeynayaa nafteyda,si weyn ayaan ugu murugeysanahay in aad farxad la,aan noqoto,waaan ogahay waxii aan sameeyay waa wax aad u xun,lakiin marnaba ujeedadeydu ma’aheyn inaan ku xumeeyo,waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa.

7- Waxaan doonayaa in waqtiga nolosheyda oo dhan aan adiga kula qaato,kumana fikiraayo inaan daqiiqad ku waayo.

8- Kama xishoonaayo inaan ku jeclahay,kamana weyni inaan ku raali geliyo,taas waa sababta aan u go’aansaday in aan nolol kula wadaago.

9- Waxaad tahay fallaarta ugu iftiinka badan nolosheyda oo dhan,xanaaqaaga waxuu iga dhigaa mugdi,fadlan waxaan sugayaa jawaabtaada,waxaan xaqiiqsanahay in aad i aaminsantahay.

10- Waxaad u dhadhameysaa sida malabka oo kale,waxaad u nuureysaa oo aad u dhalaaleysaa sida dayaxa oo kale,fadlan aqbal raali-gelinta,anigane waan qaadanayaa dhamaan khaladka aad tabaneyso.

11- Waxaad leedahay oo Alle kugu manneystay muuqaalka ugu wanaagsan ee uu noole yeesho,mana jirto cid lagula simo oo dunida joogto.

12- Ma aqaan waxii igu dhacay,waan ogahay sidaan sameeyay in ay aheyd wax laga xumaado,waxaan ahay naf ku jecel,diyaarna u ah noloshaada.

13- Fadlan xiriirkeena aan kusoo celino sidii hore,sidaas waxaa ku jirta danteena,waxaa ku jira hormarkeena,waana farxadda qof waliba oo naga mid ah.

14- Waan seexan waayay,mana awoodo inaan cunto cuno,waxaan dareemayaa dhibaato xoggan,waxaan aaminsanahay in dhibaatadaan oo kale ay daawo u tahay farxaddaada,Lamaane ii dhoola caddey iina sheeg in aad ii faraxsantahay.

15- Waxaan u soo dirayaa farrintan inaan ku qanciyo oo aan muujiyo sida aan ugu murugeysanahay dhibkaaga,waad qaadan kartaa ama ka tagi kartaa raali-gelintan,lakiin haddii aadan qaadanin waxaan kusoo diri doonaa farriimo kale oo badan illaa aan ka dareemo farxadaada.

16- Waxaad tahay qofka ugu macaan uguna qurruxda badan,waxaan ogahay inaad sameyn doonto qaab kasta oo aad igu cafineyso,waan hubaa waad I cafin doontaa,miyeysan sidaas aheyn??

17- Waxaan dareemayaa inaan ahay qofka ugu xun dunida,si dhab ah ayaan xanuunsanayaa,waxaan kaa ballan qaadayaa in arrintan aysan dib u dhici doonin.

18- Waxaad tahay saaxiib qaali igu ah oo ay adagtahay in la,aantiis ay farxad dareento niyadeyda.

19- Haddii aan ka fogaan karo waxii dhacay waan sameyn lahaa,lakiin maadaama aan sidaas sameynin waxaan diyaar u ahay inaan bixiyo raali-gelinta buuxda.

20- Ma garaanayo waxaan dhaho,lakiin raali-gelinta ayaa ah dawada khalad la sameeyay,waxaan rajeynayaa inaad eegi doonto wanaaga ka dambeyn doona xanaaqa,waan ku jeclahay,cafintu waa dawada ugu wanaagsan ee uu leeyahay xiriirka saaxiibtinimo.

21- Waqtiga iyo da’duba way socdaan lakiin jaceylka aan kuu qabo wuu sii jiri doonaa haddane sii xoogeysan doonaa.

22-Waxaan jeclaan lahaa in maalintii oo dhan  aan kugu qaado dusheyda,kuguna haayo gacamheyga,waxaan hubaa in aan marnaba dareemi doonin daal, qofkii ku helaa nasiib leh.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment