MUUQAAL: RW. Khayre oo Sharaxay Waxa usoo qabsoomay, Kana hadlay Xaalada dalka Iyo Arimo Muhiim ah

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa kasoo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii magaalada New York ee dalka Mareykanka ay uga qeyb galeen Shirweynahii 72aad ee Golaha guud ee Qaramada midoobay.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shaqo adag oo ay qabatay Xukuumaddu, ka dib, lagu guuleystay in xili habeen ah ay ka soo dagaan diyaaraduhu Garoonka Muqdisho. Wuxuna xusay in la sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxii galabta ka dhacay Muqdisho, kuwa dhaawaca ahna Eebe uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah. Isagoo uga baaqay dadka Soomaaliyeed in hal meel looga soo wada jeesto dhibaatada ay kooxaha argagixsadu ku hayaan shacabkeena.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka codsaday bulsho weynta Soomaaliyeed in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wixii dhib jirana lagu dhameeyo wada xaajood iyo in la eego dadka guud ee Soomaaliya.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment