Jacaylka nin iyo naag yuu aad u saameeyaa

Bulsha:- Dumarka iyo ragga keebaa jacayl dhab ah qaadsiin kara mid ka kale?
Horta jacaylka ragga iyo ka dumarku waa wax aad u kala fog laakiin labaduba wax way jeclaadaan Ninka raga ahi qofka dumarka ah ee uu jeclaado lagama yaabo inay niyadiisa ka baxdo waligii, ama uu ku dhaco jacayl cusubi, waxaa taa inooga marag ah ragii jacaylka u god galey ee uu ugu horeeyey Cilmi Boodhari oo aynu wada heyno jacaylkiisii iyo sidii ay ugu dhadhami waydey gabadh kale.

waxa xasuus mudan Alle ha unaxariistee Sulub Cumar oo ay heesihiisii ka mid aheeyd (ANiga iyo Hilbaheygii kala hoyaney,ereygan oo kamid ah heestii Magool ee Sideeda Sinta ma isa saarnaa?), oo isagana la shegey inta gabadhii uu jeclaa laga guursadey inuu diidey inuu niyada ka saaro oo lasheegey inuu balan qaadey inuu guursan doono marka la soo furo dabadeed sidaa ku hooydey, Haddaba Ninka ma hawlyara siduu gabadh u jeclaado inta badan laakiin haddeey taasi dhacdo waligii ma illaawo.

Dumarka iyo ragga keebaa u jilicsan jacaylka?.
Dumarka waxa fudud inuu jacaylku ku dhaco, waxaana laga yaabaa in gabadhu ay ninka u yimaada labagoor ee indhaha intuu is daba dhigo been ku akhriya ay qalbigeeda dhigto hadii ay sidaas ku jeclaato oo ay meelfog kala aadaan ama muddaba
aaney is arag waxa macquul ah in hadii uu mid kale u yimaado in jacaylkii gabadha lagu beerey uu ku masaxo aftahanimadiisa oo uu kubeero mid cusub.
waxyaabaha kalifa iney gabadhu markiiba jacaylkii hore kabaxdo waxa kamid ah inuu iloowshuhu dumarka ku badanyahey taas oo ah mid uu ilaahey xikmad kale ka wato taas oo ah in gabadhu ya xanuunka foosha iloowdo si ay tarantu u badato, waxaynu ognahay inaan laheeyn ilaa hadda gabadh jacayl udhimatey wallow la sheego waxaa isu dhintay Qays iyo Layla, Hodan iyo Cilmi Boodhari waxaan sheekooyin kaas ama qisooyin kaas ku cad in jacaylku ku horeeyay ninka.

Gabadhaha inta badan marka jacayl uu ku dhaco sida kaneecada ayeey ka bogsanayeen lamana garanayo daawada ay isticmaaleen iyadoo ilaa
hadda jacaylka aan loo heeynin wax daawo ah oon ka aheeyn labada qof oo is hela.
Tan kale ee ah Ninka iyo gabadha keebaa jacayl ka kale ku beeri kara?

Arintaan waxaa inta badan lagu micneeyaa in ay tahey qof kastaaba waxa uu ka helo ama in wixii uu ka helayey uu ku arko qofkaas uu jeclaanayo, waxaana laga yaabaa in hadii qof uu ku jeclaado aad is yara adkeyso taasoo ah mid inagu abuuran waayo bini’aadamku waa uu faan badanyahay,laakiin waxa macquul ah in gabadha ama wiilka ka hadhi waaya qofka ay jecelaadaan in ay labaduba ku beeri karaan jacayl qofkaas.
waxaanse jirta in arrintaas uu raggu ku dhiiran yahay ama ubadan yahay hablaheenana xishood ayaa ilaahey qayb usiiyey waana wax wanaagsan xishoodku.

Intaas ayaan ku soo koobayaa inkastoo aanay aheyn sharaxaad ku filan akhristayaasha sidoo kalena hal qormo laguma soo koobi karo arimaha jacaylka laakiin haddana hadal badan haan ma buuxsho oo qormada oo siidheeraa tana waad ku daali kartaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment