Hadii Aad Dooneysid Xaaskaaga Iney Dabeecadahaga Barato Ku Edbi Arimahaan Hoos Ku Xusan

Bulsha:- Edbinta haweenka iyo in la garaaco ama la tumo marka ay madax adkaadaan oo hogaansankii looga baahnaa la imaan waayaan waa arrin ay jideysay shareecada islaamka, laakiin waxaa dhibaatadu ka taagan qaabka arrintaas loo dhaqan gelinayo oo laga yaabo in ragga qaarkood ku talax tagaan oo wax aan loo baneyn diinta kula soo galgashaan iyagoo khaldan.

Arrinta ah tumida haweenka ay guud ahaan ma aha wax wanaagsan waana sababtoo aan ma aha wax ay ku kacaan ragga akhyaarta ah iyo kuwa dan ka leh inaysan noloshooda qoyska noqon mushkilad joogto ah oo halkii uu ku nasan lahaa kuna raaxeysan lahaa u horseeda isku dhac iyo iska horjeed.

Shareecada islaamka ma aha wax halkii la doono loo jiidan karo waxaana la yaab leh in qof aan dooneynin inuu ka soo baxo xaqa ugu fudud ee lagu waajibiyay uu qiil ka dhigto diinta markii uu gardarro ku dhaqaaqo, waxaad arkeysaa rag marka ay ku kacaan falkan garaacista dumarka u dhaxa ah ay ku doodaan inuu sharcigu u banneeyay.

Islaamku wuxuu xal u keenay marka dhibaato ka dhex jirto labada is qabta oo masalan qoys wada jira oo hore isugu wanaagsanaa dhinaca haweeneyda ka yimaado caajis iyo dhega adeyg dhibaato u keena xiriirkoodii, markaas ayaa shuruudo badan kadib loo ogol yahay inuu sameeyo wax u eg tumis oo micnaha lagu cabiri karo carada qofku u qabo qaabka xaaskiisu u dhaqmeyso, micnuhu maaha inaad wixii gacantaada ku soo dhaca ku tuurto, Feer iyo Laad isu daba dhigto ulana dagaalato nin oo kale.

Lama ogola in wejiga iyo meelaha xasaasiga ah, wax laga gaarsiiyo, ama ogola in shey awood leh loo isticmaalo garaacista, lamana ogola haba yaraatee in garaacistu noqoto mid xoog leh oo waxyeelo ka imaan karo, intaas kadib waxaa raacsan ninkii garaace noqda inuu ka baxayo khadka ragga wanaagsan ee akhyaarta ah.

Markii uu Alle jideeyay tumista haweenka Naashizooyinka noqda ayuu Rasuulka SCW caddeeyay inaysan wanaagsaneyn arrintaasi, wuxuu Rasuulku yiri: “Haweenka illaahay ha garaacina” kadib waxaa dhacday inuu Cumar Bin Khadaab u yimid Rasuulka SCW oo ku yiri: “Haweenkii way ku dhega adkaadeen kuna falaagoobeen raggoodii, markaas ayuu fasaxay haddana Rasuulka taasina waxay keentay in haween fara badan oo ka sheegayana nimankooda u soo dacwoodaan Nabiga oo uu yiraahdo: “Reerihii Rasuulka waxaa hareeyay haween ka cabanaya raggooda, kuwaasi akhyaar maaha” xadiiskan waxaa weriyay Abuu Daa’uud iyo Nisaa’

furiinka maxaa keena udhexeya raga iyo  moowduucaan oo doodo faro badan kadhaxdhaliyay raga iyo dumarka cida iyadu ka danbeesa furiinkas waxayna qolo waliba qoloda kale ku eedaysaa in iyagu kadanbeeyan furinka ka dhex dhasha raga iyo dumarka waxaana anigu fikrad ahan kaqabaa arintaasi in dumarka uu kasoo uskumo burburka ku yimada qoyska waayo iyaga ayaa ah furaha qoysaka qoyskuna majirikaro hadii aan si wadajir ah looga wada hortagin waxwalba ooku imaan karo burbur ku dhaca qoyska.
Waxaana hada kohor aan goob joog u ahaa dhacdo furiin oo ka dhexkacday wiil soomaliyeed iyo gabar sidookale soomaliyeed waxaana sababay sida aan goob jooga ka ahaa gabadha oo ku qabsatay wiilka war gabar kale ay soo sheegtay hebal wuxuu hoos ka shukaansadaa heblaayo taasina ay keentay furiin sookala dhexgala labadooda hadaba su aashu waxay tahay yaa inta badan sababa furiinka ka dhex dhaca raga iyo dumarka waxaa sababa oo aabe u ah dumarka dumarow daainkiin daryeer xumaa diin idin noqotay.

Aabaha ale yaqaan ka ah ee dumarka somaliyed diideen waa kan oo kale
guntii iyo gababadii dumarow ragiinu ha noqden ragan oo kale ha noqdeen alaahna hoygeena wuxuu markaa ka yeeli doonaa hogaha janaad in sha alaah











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment