Habka Ugu Fudud Ee Qiyaanada Jaceylka Ku Iloobi Karto..Qalinkii Fanax fariid

Bulsha:- In haweeneyda soo saarto qiyaano uu ninkeeda ku sameeyay ma aha arin sahlan , mana awooddo mararka qaar in ay ka cafiso maxaa yeelay dhaawacaas ayaa ka weyn mid qofka uu u dul qaadan karo .

Waa arin xanuun badan qiyaanada qoyska sidaa darteed waxa ay Allsiyaasad.com ku siineysaa arimo yar oo aynu is leenahay waa ay ka saacidayaan in aad iloowdo qiyaanadaas

1- Waqti Sii Noloshaada : qalad waliba waxa uu qaadanayaa waqti in la saxo , ogoloow xanaaqa aad dareemeyso iyo rajo beelka , arintana ula tacaamul hab wanaagsan , sii naftaada waqti aad horay ugu sii dhaqaaqdo .

2- Rumeyso: waxaa qasab kugu ah in aad rumeysto in ninkaada ku qiyaanay isla markaana aad horay uga sii socoto, maxa yeelay ma awoodi kartid in aad ka tagto caruurtaada iyo gurigaada , ama ka hor tag si aad u ogaato sababta ku qasabtay in uu sidaas uu sameeyo .

3- Waad Ka Xooggan Tahay Sida Aad Iska Aaminsan Tahay : qof waliba waxa uu leeyahay awood xooggan xittaa haddii aysan ka soo muuqan , sidaa darteed waxaa kuula gudboon in aad ahaato qof xooggan una muujiso ninkaada sidaas si uu u arko in aadan daciif aheyn .

4-Biloow Nolol Cusub : haddii furiinka yahay xalka kama dambeysta ee dhibaatadiina , isku day in aad nolol cusub biloowdo , iskana iloow waxii dhib ah oo ku qabsady .
5- Iska Iloow Faah-faahinada : kuuma suura galeyso in aad mar waliba ka fikirto waxii dhacay soona xasuusto faah faahin waliba oo yar waayo waa kaa careysiin kartaa mar kale ka dib xasuusta aad ka qaadeyso waxii uu ninkaada horay kugu soo sameeyay

6- Iska Cafi: haddii aad awooddo iska cafi iskana laab baalkii madoobaa ee noloshiina soo maray oo baal cusub oo jaceyl uu ka buuxo fur

Waxaa xusid mudan in arimaha qaarkood ay ka saacidi karaan in aad iloowdo qiyaana qosykeedka











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment