filimka Baadshaho maalintiisa kowaad lacagaha uu keenay gudaha Hindiya

Bulsha:- Super Star Ajay Devgn filimkiisa Baadshaho sidoo kalena ay ku wehliyaan Emraan Hashmi, Ileana D’Cruz iyo Vidyut Jamwal ayaa ganacsi dhex dhexaad ah sameeyay maalintiisa kowaad.

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay Baadshaho maalintiisa kowaad wuxuu keenay 10.25 Crore (Trade Figure) maantana waxaa la filaa in ganacsigiisa sare u kac sameeyo madaama maanta Hindiya ciida carafo looga dabaal dagayo.

Baadshaho wuxuu ka bilaabasho wanaagsan yahay Ajay Devgn filimkiisii ugu dambeeyay ee tiyaatarada faraha badan la saaray sida Shivaay (9.19 crore) laakiin wuxuu ka bilaabasho hooseeyaa Action Jackson (10.37 crore).

Baadshaho ganacsigiisa ugu wanaagsan maalinta kowaad wuxuu ka sameeyay UP, Rajasthan, Bihar, CI iyo CP Berar wuxuuna inta badan ku wanaagsnaaa tiyaatarada Single Screens ee dadka dabaqada dhexe iyo hoose u daawasho tagaan.
Magaalooyinka waa weyn ee dadka reer magaalka usoo daawasho tagaan aflaanta ku nool yihiin sida Mumbai, Delhi iyo Bangalore maalinta kowaad ganacsiga Baadshaho wuu ku liitay sidaa darteed maanta oo fasax weyn jiro waa inuu sare u kac xoogan halkaas ka sameyaa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment