Dowladda Qadar oo Madaxweynaha Soomaaliya ku casuuntay Shir gaar ah oo Ka dhacaya magaalada New York

Bulsha:- Dowladda Qatar ayaa ku casuuntay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo shir gaar ah oo bishan ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar ayaa ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey

Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed ayaa shalay kula kulmay Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Shirkan ayaa looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal u dhaxeeya iyo sidii loo soo xoojin lahaa.

Labo casuumaad oo ka kala yimid Amiirka Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Diabdda Qatar ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiir Yuusuf Garaad la gaarsiiyay

War Kooban oo lagu faafiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir Yuusuf Garaad uu guddoomay casuumadahaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u jareen dalka  Qadar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment