DHEGAYSO: Naftii haligii isku qarxiyey Beled-Xaawo iyo Halkuu kasoo Jeeday

Bulsha:-  Warbaahinta Ku Hadasha Afka  Al Shabaab ayaa Faafisay wareysi laga qaaday naftii haligihii fuliyay weerarkii lagu daah furay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.

Axmad Jaamac Nuur (Zubeyr) oo u dhashay Qabiilka Reer Shabeelle ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus ka hor intii uusan fulin weerarka wuxuu uga hadlay arrimo dhowr ah.

Ninkan ayaa sheegay sababta uu u doorbiday Isqarxinta inay tahay sidii uu ugu aargudi lahaa shacabka Somaliyed ee dhibaatooyinka kala duwan loo gaystay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale uu fariin u diray eheladiisa oo uu ka codsaday inay qayb ka noqdaan dagaalada ka socda Somaliya, ayna garab Istaagaan Ururka Al Shabaab.
Naftii Halige Axmed Jaamac ayaa isku qarxiyay Xerada ciidamada Maamulka Jubbaland ee duleedka Magaalada Baled Xaawo, halkaasi oo uu ku laayay ciidan badan oo Somali ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment