Dareen Jacayl:Qiso Dhab Ah Allah Jaceylkeygu Macaan badanaa”””.. Qalinkii Fanax fariid

Bulsha:- Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl,maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista kadegay ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba in badan ma ma qashay qays iyo layla,ceebla iyo cantar,cilmi iyo hodan kuwaa soo dhamaan tood ahaa qarniyo hore tolow miyaan dabadood lays jeclaan???


Qaybta Koowaad



Qisada buugan cusub ee lamagac baxady (dareen jacayl) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.



“Mar waxa uu jaceylku ku bilaabmaa aragtida mar qudha sidii uu abwaankuba ulahaa (balan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee waa ishaa biligtaada wax bogaaga ku beermaa)



Marna wuxuuba ka dhex dhashaa laba qof oo is ag joogay muddo aad u dheer oo xataa laga yaabo in mid waliba ka kale ogaa arrimihiisa ama ahel ahaa oon loo filayn inuu kadhex dhasho jacaylku Tusaale (hibooy inaabti haduu hilikaygu kuguyaal ama uu habeen qudha kaa galay hunguri haka aamusine nafta baas lahadaloo haasaawi galab qudha”,



Haddii aad sheekadan akhridid waxa, boqolkiiba boqol, hubaal ah in aad nooshahay. Haa nooshahay, naftii kugu jirto oo aanad weli dhiman.



Hadaba bal aynu u soo noqono qisadeenii ahayd(dareen jacayl) qisadan sida uu magaceedu muujinayo waa dareen ka dhashay (qof jeclaaday qof qofkuu jeclaadayna lala jeclaaday qofkuu jeclaana uusan raaliba ka ahayn)! waa qof walba sida uu u dareemo jacaylka iyo qofkuu dareemay sida uu ka yeelo waa yaab qisadani waa labo gabdhood oo wada dhashay oo wiil wada jecel isagiina uusan dareeminba amase uusan u jeedin jacaylka labadan gabdhood waa qiso xanbaarsan naxdin,fajac,yaab,amakaag dhib,daal,walwal,boqdin,farxad, intaba



runta marka aan laga meer meeraysan qisadani waa dareenka jacaylka dhabta ah.waxan idhi way adagtahay sida loo dareemo jacaylka!!!!!



dadka badankiisu u wadahayaa jacayl lakiin inta dareentay baa yar !!!



qofka jacaylka dareemay ee uu hayo waxa lagu gartaa cay waxba kama tarto dilmo wax kama tarto dhib ma dareemo waxad moodaa qof dhago iyo indhaba aan lahayn markaa taa macneheedu maaha qofkii uu indho iyo dhago laayahay ee jacaylkii hayay baa u noqday (maas) ama qolof adag oo uu dusha ka xidho kana celinaysa waxwalba oo uu ka cadhoon lahaa ama dhaawac u gaysan lahaa maskaxdiisa xataa magaranayo meesha uu naftiisa ku hogaaminaayo iyo xataa in uu is dilayaba ma dareemo!!



hadaba qisadan ( dareen jacayl waa qiso dhab ah ) waxana inooga sheekaynaysa gabadh da,yar iyada lafteeduba baal cad ayay kaga jirta sheekadan magac dhayalbaxee (hodan)



hodan waa gabadh bilicda iyo quruxda ka muuqata ka sokow u dheeryihiin, bulshonimo iyo bashaashnimo xad dhaafa. Waxaana wajigeeda ka muuqda farxad iyo qosol aan kala go’ lahayn oo aad arki karto inaanay jilayne ay dabeec u leedahay, eebana hadh cad hibo u siiyey.



Waxaa intaas u dheer iyadoo hodan ay tahay Ciyaaryahan is nacay,muusigii la daarana waxaa gacanta qabsada wiil. Marmarka qaarkoodna kaligeed baa golaha loo goleeyaa oo inta badan ciyaarta carabiga ayay aad u taqaan hodan wali jacayl iyo dabayl diirani ma soo marin waxayna ka doorbidaa wax walba wax barashadeeda marka laga reebo xafladaha ay ka qayb gasho ee somaliga oo aad loola dhaco ciyaarteeda is nacday.



hodan waxaa la dhashay hibo oo ku hogaaminaysa hodan hal sano iyo haaruun oo labada habloodba ka wayn iyo waalidkeed iyo hooyadeed waxa lagu yeedhi jiray safiya ninkeedana samatar..



waxaan sugaba markii ay xaadu socodka daysay jidhkuna dhaqaaq daayay indhuhuna wac i yidhaahdeen ayay ooda ka rogtay sheekadan:



iyadoo ii balan qaadaysa inay ii dhamaynayso inta ay xataa afka iga odhan waydo ama ay oohin indheheeda qariso waxay balan iigu qaaday inay qalin iigu qorayso far waawayn.



maadama aan kula taliyay in ay walaalaheed iyo umada soomaliyeed ay ku talo iyo tusaale qaadan doonaan sheekadan oo ay baal cas kaga qormidoonto taariikhda soomalida waxaanan ku booriyay in ay ka sheekayso hoogeega iyo jabkeedii ama badhaadhkeedii raali ayayna ka noqotay marka laga reebo inay iyaduba aad u jeceshahay inay umada u soo ban dhigto sheekadan



tusaale waxa inoogu filan Ma dhabbaa jacayl waa loo dhintaa” ee uu qoray wiilkii ay Hodan dhashay ( jacaylkii cilmi iyo Hodan) iyaa tusaale inoogu filan . Ninkaasi waxa uu ku ammananyahey in uu ummadda u soo gudbiyay wixii hooyadii lagula hasaawi jiray.



waxay ku bilawday sidan:



waa subax hore: waxaan isku diyaarinay aniga iyo walaashay iyo walalkayba in aan aadno dugsiga waxan isku fasal ahaan jirnay arday badan oo iskugu dhex jirta wiilal iyo gabdho. somaali aad baan ugu yarayn waxaan ahayn 7qof lakiin tirada guud ee dugsiga ayaa intaasi saray u dhaaftay.

run ahaantii anigu waxaan ahaa gabadh dhawrsan oo edab iyo diinba leh si tartiib leh ayaan dugsiga u imaan jirnay una dhamaysan jirnay waligayna ima ay soo marin jacaylku igumana dhicin mana (dareemin jacay) walaashay iga waa wayn xataa ma uu saamayn jacayl wax uu yahayna masan kasayn qadhaadh iyo dhanaan toona wax uu yahay macaan iyo malab midka uu yahay. run ahaantii malin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dugsiga ku soo biiray wiil cusub waxaa lagu magacaabi jiray (hanad)



hanad waa wiil Somaliyeed oo gaadhay aynigii guurka waxa uu daganaa magalada Dubai-United Arab Emirates- waxaa uu la dagana hooyadii iyo walalihii hanad waxaa la dhashay labo hablood wiilna waa kaligiis hooyadii waxaa loogu yeedh yeedhi jiray barni, xariifkeedana barkhad, waxayna ahaayeen qoys iska danyar ah oo aan haysan dhaqaale sidaasi u buuran.



hanad waxuu cagacagaynayay ( labaatan sano) hanad waxuu inta badan ku hawlnaan jiray wax barashadiisa wakhtiyada firaaqada waxa uu aad u xiisayn jiray kubada cagta oo uu inta badan u daawasho tago ama uu (tv) ka fiirsan jiray



hanad waxay saaxiib ahaayen labo wiil (faarax) iyo (farxaan) runtii hanad labadiisa saaxiib aad iyo aad ayay isku jeclaayeen, waxana caado u ahaan jirtay in ay wax walba oo noloshoda ku soo kordha ay isku sheegtaan iyo in ay’ wax wada bartaan, hanad aad iyo aad ayuu ugu fiicnaa xaga wax barashada waxuu ahaa wiil uu eebe siiyay karti iyo maskax dheeerada oo aad moodo inuu ka aragti dheer yahay, inamada kale, ee ay isku dugsiga yihiin,



hanad waligiis muu ashaqin gashaanti iyaduna ma ay aashaqin marka laga reebo in qof walba oo biliaadami uu niyada ku hayo qof uu nolosha la qaybsan doono oo uu isagu markaasi riyo ku hayo magaceeda iyo quruxdeedaba iyo sifooyinkeeda oo niyada ugu jira gabdhuhuna sidoo kale.



Hanad waxuu u soo guuray magalada aan anagu markaa daganaan jirnay oo lagu magacaabi jiray sharjah wax barashadiisina halkaasi ayuu ka sii watay isku dugsi ayaan noqonay. waxay tidhi hodan .



hanad aad iyo aad ayuu ugu fiicnaa xaga wax barashada waxuu ahaa wiil uu eebe siiyay karti iyo maskax dheeerada oo aad moodo inuu ka aragti dheer yahay, inamada kale, ee aan isku dugsiga ahayn



waa subax sabtiya dadku wada dhalaalayaan jawiga dugsigu waxuu ahaa mid bilicsan waxan soo socdaba aniga oo hodan ah iyo walaashay hibo iyo walalkay haaruun waxaan soo galnay fasalka ilbidhiqsiyo ka dib waxaa noo bilaabmay duruustii.



subaxdaasi waxa uu macalinku bilaabay inuu hanad baro ardayda kale soona dhaweeyo runtii dugsiyada carabta waxaa caado u ah arday marka uu dugsi cusub ku soo biiro in loo soo bandhigo wax barashadiisu heerka ay taagan tahay ardayda kale ee uu u yimid iyo imtixaanadkii fasalkan aan ugu soo gudubnay darajada uu halay iyo waxyaabo kale oo badan runtii hanad waxii uu la yimid schoolka waxay noqdeen wax cad oo saafiya una eeg wiil aad u wanaagsan hanad waxuu bilaabay inuu dadaalkiisii iyo dabeecadiisi hore kula dhaqmo ardayda dhamaantood.



waa goor barqo ah bishu sideed tahay dhulku madoobaaday kulayl dartiis dadkuna wada haraaday ilayn meeshu waa dubai e waxaan arkay hanad oo la saaxiibay ardayda fasalka ku wooga ugu wanaagsan shan bari oo kale ka dib waxaan arkay hanad oo ay dhamaan ardaydu leeyihiin waa xariif wiilkaasi runtii anuu waxan mar walba noqon jiray qofka labaad ama sadexaad sanad walba walaashayna sidoo kale in kastoo uu walalkay heli jiray uun darajada lagu gudbo waxan ahaa gabadh aad u dadaal badan aabahay waxuu ahaa maalqabeen is garan la mar walba waxuu nagula dardaarmi jiray wax barashada oo uu aad u jeclaa.



waxaan galnay wakhti kala wareeg ah oo imitxaan ayaa noo bilaabmay waxaa dhacday in uu hanad igala wareegay booskii aan ka gali jiray wax barashada fasalka oo ahaa ka labaad ama sadexaad anigoo noqday sanadkaa qofkii 4 isaguna ka sadexaad taa macneheedu waxaa waaye waxaan helnay labo raqam oo isku xiga haduu uusan isagu dugsiga joogin waxan noqon lahaa uun ka sadexaad!!!



sidii waxay ahaataba waxaan u gudubnay sanad dugsiyeed cusub waxay ahayd mar aan hanad is baranay oon si xushmad leh iyo walaltinimo isku salaamayno waxay ahayd mar ay dhamaan ardayda is wada barteen.

galab galbaha ka mid ah: walalkay haaruun iyo hanad ayaa isku soo raacay gurigayaga

waxuuna usoo doontay buug saynis ah run ahaantii galabtaasi aad ayaan u soo dhawaynay hanad walalkay waxuu baray hooyaday iyo aabahay iyo dhamaan dadki kale ee guriga nala daganaa aabahay waxuu bilaabay inuu warsado hanad waxuuna u sheegay in uu dugsiga dhigto mudo yar sanadkana uu noqday qofka sadexaad oo uu rajaynaayo inuu galo kaalinta koobaad sanadada soo socda isagoo sobob uga dhiga in uusan la qabsan dugsiga!!!!



aabahay aad ayuu ugu amaanay hanad waxuuna u sheegay in isagoo dugsiga ku cusub uu kaalintaasi helay in uu yahay qof aad u dadaal badan aabahay waxuu ku idhi hanad



adeero wiilkaygan haaruun wax wada barta oo dadaala gurigna wax kuwad dhigta habeenki sidaasi buu u sheegay aahahay



hanad waxaa cajabisay jawiga gurigayaga iyo adeega wax barasho ee fudud oo laga heli karaayay wax walba buug iyo wax walba oo loo baahan yahay maadama uu isagu yahay wiil iska danyar ah hanad waxa uu u sheegay arinkaasi hooyadii waxay u ogalaatay dalabkiisa malintasi laga bilaabo hanad waxaan noqonay uun sidii dad walaalo ah.

markii danbana si toosa ayaan wax u wada dhigan jirnay afar tayaduba waxaa bilawnay walaltinimo qiimo badan leh.

waxa la gaadhay wakhtigii la dhamayn laha sanad dugsiyeedka oo imtixaan kii waynaa loo fadhiisan lahaa



run ahaantii aniga iyo walaashay waan is hubnay inaan dhaafi doono lakiin walalkay oo imtixaan kii hore helay meel hoose ayaan aad ugu boqaynay waxaan xoojinay wax barashadii iyo is caawintii si wada jira ayaan wax ugu dhigan jirnay guriga hanad waxuu imaan jiray guriga habeenkii xataa markii danbe waxa dhacday in hadii xataa uu walal kay maqan yahay aan anagu wada dhigano walaashay aad ayay u xiisayn jirtay hanad hadal kiisa iyo wax wada dhigashada aniguna sidoo kale!!!!!!!!!!!



malin ayaa anagoo joogna dugsiga imtixaankiina aan u fadhiisan doono wiiga danbe waxaa dhacday in ay kuraydii dugsigu sheeko sameyeen oo ah..hee



in hanad uu aniga iyo walaashay mid isku wado ama uu jacayl wadag layahay malintaasi laga bilaabo waxaa ii furmay kidin aan ogaaday in ay sheeko na dhex mari karto hanad maadaama ay dadkiiba sidasi idhaahdeen! ma jecli inay wax na dhex maraan hanad mana rabin walaltinimadiisa mooyee lakiin waxan uga socdaa niyada ayaan ku darsaday…haaheej hadalkasi ay ciyaala dugsigu sameeyeen oo ay ii sheegtay gabadh aan isku fasal nahay waligayo waxasi iyo wiil kamaanu sheekaysan lakiin malinkasi haday saaxiibtay sidaasi igu sheegtay waxa cadayd inay wax jireen dad kuna isla dhex mar maraayeen .





hal wiig ka dib waxaan u fadhiisanay imtixaankii si sharaf leh ayuu noogu dhamaaday hanad sidii uun nagumuu dayn madama uu dhamaday waxii la akhrinaayayba oo wakhti fasax ah la joogo lakiin uuna soo booqan jiray haaruun ayuu u iman jiray mar marka qaarkood waa yaab anigu waxaan isku arkay markii ugu horaysay inaan hanad aad u xiisaynaayo lakiin masan garan karayn (xiise) lakiin marka afsoomali lagu turjumo waa ka helid waa qof aad ka hesho runtii waxaa ii cadaatay inaan hanad ka helo hadaba sideen uga helay ma garanaayo lakiin aniga waa iga daacad waxay ahayd walaltinimo walaashayna sidaasi oo kale ayay ahayd lakiin ma garan karayn xataa inay leeyihiin jacay hoos ahaaneed in kastoo ayna waxba jirin xagooda!!!!



durba waxaa la gaadhay wakhtigii la isku diyaarin lahaa ka qayb galka xafladii sanad dugsiyedka lagu so dhamays tiri lahaa ardaydana loogu sheeg sheegi lahaa imtixaankoodi sanad dugsiyeedkii ayay dhameeyeen midka helay iyo ka waayay iyo waliba darajooyinka ay heleenba.



waxaa dhacday in uu hanad noqday qofka 2aad halka aan aniguna ka noqday qofka 4aad walaashayna qofka 11aad aad halka uu walalkay aad noogu soo dhawaaday sanadkan isagoo noqday qorka 20aad hanad waxaa aad ugu farxay dhaman dadkii somalidii iyo walidkiisi iyo anagaba waayo aad buu ugu yar yahay wiil soomaaliyeed oo heerkaasi gaadha oo jooga wadan uusan u dhalan halkaasi waxaa ka sii dhashay in aan hanad isku yeelanay aqoon gaara oo uu noqday qof xaafadayada lagu tiriyo aabahay waxuu u sheegay hanad in uu gurigu gurigoodi yahay oo xataa uu u hoyan karo!!!!waa yaab hee

waxna ka cuni karo!!!yaa



runtii aabahay markaan hadal kiisa sii fasisho.. waxan uu hanad ku jeclaaday waa wanaaga iyo wax barashada iyo walalkay oo uu u horseeday darajo fiican maadama uu isaga wax la dhigan jiray waxa uu aabahay ku fikirayay uun sanadka danbana labo kaalmood oo isku xiga ayuun bay heli doonaan!!!!



waayo soomalida ayaa tidhaah saaxiibkaa waxuu yahay ayuun baad tahay sidii waxay ahaataba waxaa igu soo orday (rabitaan doonis xiise damac ku waasi oo u kala baxaayay inaan hanad u sheekeeyo inuu ii sheekeeyo!!!!! isku sheekayno”



inaan is aragno ugu yaraan labadii cishaba mar sidoo kale walashay hibo ila mid ayay ahayd inkastoonana anigu markii aanan dareemayn waxa ay iyaduna dareemaysay iyo kolba mar xalada aan dareemaayo in ay iyaduna dareemaysay



waayaabe wiilasha soomaliyeed adkaysi aad u badan ma lahan!!!


hanad muxuu jacay noogu sheegan waayay mise sharafta ay xaafadu u hayso ayuu ilaashanayay mise isaguba sidaan aniguba kolba marxalad u marayno ayuuu u maraayay mise dookhiisaba maan ahan waxba kama garanayn anigu waxaasoo dhan lakiin waxaa dhacday in aan telephon kula xidhiidho inta uu naga maqan yahayna mudo yar ka dib malin ayaa waxaa ii timid walaashay iga wayn ee hibo waxay iga tidhi



naa yaad la hadlaysaa yoo baas anigo telka kala hadlaaya hanad waxan ugu jawaabay waa hanad runtii anigu sidii walalkay oo kale uun buu ila ahaa lakiin waxaa ii dheera ka helitaan iyo xiisayn aan xiisayn jiray isaga.



walaashay waxay igu tidhi waa ceeb waxaasi si kale baa loo qaadan ee guriga waaka imaada ee telephonka jooji oo iska daa waxaasi walaashay taladeedi waan ka qaatay:

waxanan ka faa idaystay in ay suura gal tahay in ay aniga iyo hanad wax na dhex mari karaan maadama ay tidhi waa ceeb si kale baa loo qaadan !!!!!!!!



labaatan bari ka dib waxan arkay walaashay hibo oo hanad telephon kala hadlaysa waa yaabe sawtii aniga i lahayd waa ceeb waxaasi ee iska daa malintaasi ayaan aad u fikiray walasha sidaasi ayay ku tidhi iyadiina way samaynaysa hadaba maxaa jira ma adigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa””””



waxan is idhi walasha wiilka way jeceshahay oo malaha way kaa ceshanaysaa hadii aan sidaasi is idhi ama aan ku fikiray waxaa ii xigtay in aan hanad jeclaado waa yaaab hanad waaban jeclaaday (hayaaaah) ma shaydaan baa ma anigaa ma isaga adama uu yah??? waxaan ku fikiray isla habeenimadii aniga iyo hanad oo is guursanayna” reerkayguna uu aad ugu faraxsan yahay oo aabahayna wanaag badan u hayo hanad (hayaay) waxaa dhacday in marka uu guriga soo galaba aan biyo qabaw ka horgeeyo (hayaaaay)



waxaa dhacday inaan meesha uu fadhiistaba kaga dabo fadhiisto intaasi oo dhan waxaa sadex igu ahayd walaashay oo iyaduna mar xalada aan anuu socdo uun socota marba waxaa dhacday in hadii ay hibo koob biyo ah u gayso hanad isago guriga fadhiya aan aniguna mid sharaba u geeyo (hayaaay) waxaa dhacday in hanad wakhtiga uu guriga imaado aan aniga iyo walashay kala qaybsano oo uu san walalkay oo ay saaxiib yihiin jaanisba u helin..



taasi waxay dhashay oon dareemay jacayl waxanan rabay een ku qaboobi lahaa waxuu ahaa uun in uu hanad i yidhaahdo hodan aan daadihino aashaqa…………………







dareen jacayl,,,,

(waa qiso dhab ah)





akhristayaasha sharafta lahow waxaan sitaxana ah u sii wadi doonaa sheekadan (dareen jacayl) waana qaybtii 1aad lasocod wanaagsan.



cidii wayda ama xiise xad dhaafa u haysa sheedan qaybaheeda danbe ama raagsata waxan balan u qaadaynaa in aan si shaqsiyadnimo ugu dirayno isaga ama iyada kadib marka aan tixgalino codsigiisa oon ciwaankisa ugu diri doono waxii talo iyo tusaale ah noogu soo hagaajiya ciwaankan hoos ku qoran



Xuquuqda daabacaadda waxay u dhawrsan tahay qoraha sheekadan. Waxaa reebban in sheekadan dib loo daabacdo ama laga baahiyo idaacad iyadoo aan ogolaansho qoraal ah laga helin qoraha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment