Ayaan ” Ninkega Igama Maseero , Miyuusan I Jecleyn Mise? Tala Celin

Bulsha:-  Ma jecleyn in aan arintaan soo bandhigo balse ka gun gaaridda xaqiiqdeeda ayaa ah waxa igu qasbay ayay ku biloowday Ayaan Muqtar oo nagala soo xariirtay magaalada Muqdishu .

Hadaba bahda Heegan24.net soo koobeysa muhiimada fariinta Ayaan  ayaa u dhigneyd in ay dareemeyso in ninkeeda uusan ka maseerin (hinaasid) taasina ay u aragtay in jaceylkiisa aheyn mid weyn maadaama in badan looga sheekeeyay in ninka haddii uusan kuu maseereyn in uusan ku jecleyn xilli ay tilmaantay in aysan aroos cusub aheyn oo ay is qabaan nin da`da afartanka ku jira xilli iyana da`deena aysna inoo sheegin.

Hadaba talo ay soo weydiisatay bahda Heegan24.net iyo aqristayaasheeda ayay haatan qorayaasha bogga siinayaan jawaabtaan .

Ayaan marka hore waxaad ogaataa in biloowga xariirkiina aad ku arkeyso ninka hinsaase balse marka aa du gacan gasho in ay yaraaneyso kaliyana aad arkeyso haddii ninkaada da`da labaatameya uu ku jiro xilligaas oo uu u arko in ay tahay muujinta qeyb ka mid ah raganimadiisa waa ayna sii yarataa kullamaa maskaxiyan uu sii kordho .

Arimahaan ayaa sabab u noqon kara bilaa maseeridda ninkaada , kalsooni uu kugu qabo ayaa keeni karta in ay hawada ku laado arintaas waliba marka aad dhowr sano wada joogtaan uuna dareemo in aysan jiri karin wax ku qasbaya arinaas.

Sidoo kale is dhex galkiina oo aad dhan waliba iska fahanteen ayaa iyana qeyb ka ah oo mid waliba kan kale ayuu aqrinayaa wajigiisa waliba dabeecad ahaan ayaad is fahanteen

Ugu dambeyn waxa ay noqon kartaa in uusan dooneyn in ay dhibaato idinka dhex abuuranto oo uu wax dabirayo sidaa darteedna uusan kaaga maseereyn waayo maseerka badan dibkiisa ayuu leeyahay

Waxaan rajeyneynaa in inta aan awoodnay talo kaa siinay ayna wx kaaga bixi doonaan , waxaana aqristayaasheena ka rajeyneynaa in iyana ay ku sii raaciyaan sida ay iyana ula muuqato arintaas











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment