Al-shabab oo soo bandhigtay Ajaanib ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen reer Galbeedka (SAWIRRO).

Bulsha:- Xarajada Al-shabab ayaa soo bandhigtay Sawirrada iyo Magacyada saddex ka mid ah dadka AJaanibta ah ee iyaga ku jiray,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen Sirdoonka Kenya.

Saddexda Nin ee la soo bandhigay ayaa waxaa ay u dhasheen Dalka Kenya,waxaana lagu tuhmayaa in ay la shaqeynayeen sirdoonka dagaalka kula jira Al-shabaab.



Al-shabaab ayaa magaca Ninka 1aad ku sheegay Cabdullahi Talaal Muuse oo 28 jir ah,kaas oo ka soo jeeda Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya,waxaana lagu eedeeyay in uu wadashaqeyn la leeyahay sirdoonka Kenya.

Ninkan ayaa muuqaalka ku sheegaya in uu u shaqeeyo sirdoonka Kenya islamarkaana  mushaar ka qaato sirdoonka Kenya isaga oo ka tirsan Al-shabaab,waxaana uu Sirdoonka Kenya u qaabilsan yahay gudbinta Sawirrada iyo Magacyada iyo Taleefan nambarrada hoggaamiyayaasha Al-shabab.


Ninka 2aad ayaa magaciisa lagu sheegay C/Casiis Mukayo Omamabia,waxaana uu Al-shabaab dhexdooda ka gudbin jiray mcaluumaadka sirta ah iyo xogaha gaarka ah isaga oo la shaqeyn jiray Kenya lana qabtay isaga oo isku dayaya in uu ka baxsado AL-shabaab.


Ninka saddexaad ayaa lagu magacaabaa Haashim Cismaan Shilaali,waxaana uu Kenya u qaabilsanaa gudbinta macluumaadka,xogta iyo wixii ku saabsan ajaanibta u dhashay Ingiriiska ee ka bar bar dagaallama Xarakada Al-shabab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment