5-Arimood Oo Kugu Xiiso Galinaayo Daawashada Filimka A Gentleman

Bulsha:- Filimka Gentleman: Sundar, Susheel, Risky ayaa maanta subaxdii hore xiliga Hindiya tiyaatarada la saaray waana filim Action ah oo ay hogaamiyaal ka yihiin Siddharth Malhotra iyo Jacqueline Fernandez halka Suniel Shetty door xumaan ah ku matalaayo.

Waxaan idiin heynaa 5-arimood oo kugu xiiso galinaayo daawashada filimka A Gentleman oo maanta nasiibkiisa la tijaaban doono dhanka Boxoffice-ka:

Action-ka: Inaba caadi ma ahan Action-ka filimkan lagu soo bandhigaayo gaar ahaan Siddharth Malhotra oo muuqaalka badashay si wacana u xarakeen doono sidoo kale Jacqueline ayaaba Action-ka markeeda sameyn doonto.

Filimkan Action cajiib badan, dagaal iyo is bursi xiiso leh ayaa loo daawan doonaa.

Is Fahanka Siddharth Iyo Jacqueline: Ilaa haatan heesaha iyo goos goosyada A Gentleman laga soo bandhigay waa mid si wacan loogu muujiyay is fahanka ay shaashada ka muujin karaan Siddharth iyo Jacqueline waxaana filimkaan loo daawan doonaa hogaamiyaashooda bandhiga wacan ay si wadajir ah u sameyn karaan.

Labada Director Krishna DK Iyo Raj Nidimoru: Waxaa filimkaan sameeyeen labada filim sameeye ee xirfadooda aad u sareyso horey waxaa loogu amaanay sameynta filimada Go Goa Gone iyo Happy Ending sheeko ahaan qaabka ay u dhigeen, marka Action ayay doorteen waana waxa loo daawan doono filimka A Gentleman in laga wardoono sheekada cusub ay doorteen Raj & DK.

Musiigada: A Gentleman waxaa lagu soo bandhigay heeso shidan oo dhalinta siweyn kaga heleen waana hubaal in dad badan ka bogashada muusigada filimkaan xiisaha leh u daawan doonaan.



Suniel Shetty Iyo Doorkiisa Xumaanta: Daawadayaasha waxay xiiso weyn u qabaan ruug cadaa Suniel Shetty oo sedex sano iyo bar kadib soo laabtay inay doorkiisa xumaanta filimka A Gentleman daawadaan. Soo laabashada Suniel inay tahay mid saameyn leh ayuu qof walbo rabaa inuu daawado.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment