Wax kabaro 5 qof oo ay tahay in aadan la saaxiibin nolashaada….

Bulsha:- Saaxiibnimadu waa xidhiidh saamayn badan leh oo dhex mara laba qof. saaxiibkaa waxa uu saamayn weyn ku leeyahay dabeecadaada, habdhaqankaaga iyo shaqsiyaddaada guud.

Nabigeenna NNKH waxa uu ina faray in aynu ka fiirsano qofka aan saaxiibka ka dhiganayno. sidaa darteed waxaa quman in aad la saaxiibto qof aad u hubto inuu yahay mid ku haboon in lala saaxiibo.

waxa jira 5 qof oo ay tahay in aadan la saaxiibin si aad u bad-baadiso mustaqbalkaaga adduun iyo kan aakhiro labadaba.

1. Xanlow : Xantu waa danbi halis ah waana dhaqan diinta Islaamku aad u ceebaysay. in aad qof xamato waxay ka dhigan tahay adiga oo cunaya hilabka walaalkaa oo weliba mayd ah. aduunka waa sharaf dhac aakhirana waa cadaab iyo ciqaab. halla saaxiibin xanlowga.

2. Xaasidka: Xaasidku waa qofka jecel aadmiga kale waxa hanti, hibo iyo haybad ay leeyihiin  in laga xayuubiyo oo isaga lasiiyo. haddii aan si kale u dhaho waa qofka wax walba la jecel naftiisa oo la neceb dadka kale. xaasid ilaahay ma gargaaro ee ha gargaarsan.

3. Gurraca /Waxun sheegga/si xun u fekerka : Waa dadka wax waliba ka fiiriya dhinaca xun ee gurraca. waa kuwa jecel in ay wax dhaliilaan. iinta mooyee indhahoodu ma qabtaan waxa quruxda badan. Filashadoodu waa gurrac, oo fiiradoodu waa gurrac oo fikirkoodu waa gurrac sidaas baa noloshooda oo dhammi unoqotaa gurrac.

4. Qofka cabashada badan: Cabashadu ma aha dhaqan wanaagsan. wax waliba oo nolosha aad la kulanto ku mahadi Ilaahii kuu ahaysiiyey. Halla saaxiibin dadka cabashada iyo catowga badan si aad nolosha adayga badan uga gudubto himiladaadana aad u rumayso.

5. Beenaalaha: beentu waa dhaqan xun oo ay tahay in aad iska ilaaliso. waa marin cadaabeed  ay Ilaahay iyo nebigiisuba NNKH ceebeeyeen. waa astaan iyo summad munaafaq. munaafaq in aad saaxiib ka dhigataa waxay kugu hogaamin kartaa inaad munaafaqadda ka barato.
5tan mid waliba oo ka mid ahi sidiisa ayuu halis ugu yahay aayahaaga danbe kan aakhiro iyo kan aduun labadaba.  Allah Asxaabteenna haka yeelo kuwo ka xalaal ah sifo waliba oo xun, hana ka yeelo kuwo wanaagsan oo iimaan buuxa leh. #Aamiin.

Allah ayaa mahadleh
W/Q: Fanax Fariid










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment