Toos u daawo: Codbixinta doorashada Kenya iyo sida wax u socdaan (Video)

Bulsha:-  Goobaha codbixinta ee doorashada guud ee waddanka Kenya ayaa la furay, waxaana doorashadan si dhow loo gala socdaa guud ahaan bariga Afrika iyo dunida oo dhan xili ay jirto cabsi laga qabo in natiijada doorashada ay ka dhashaan rabshado.

Ku dhawaad labaatan milyan oo dadka Kenya ayaa isku diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan, wararka haatan nasoo gaarayana waxa ay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa ay dadku bilaabeen in ay safaf dhaadheer u galaan goobaha laga codeynayo.

Waxaa jagada madaxwaynanimada ku tartamaya 8 musharax oo ay uga cadcad yihiin madaxwaynaha iminka xilka haya Uhuru Kenyatta iyo hogamiyaha mucaaradka Raila Odinga.


Inkasta oo mas’uuliyiintu gudiga doorashada ay xaqiijinayaan in doorashadu si cadaalad ah u dhici doonto hadana Raila Odinga ayaa walaac ka muujiyay shakiga laga qabo hufnaanta hanaanka codbixinta ee electronigada.
Todobaaadkii lasoo dhaafay masuul sare oo ka mid ah madaxda gudiga doorashada ayaa la helay meydkiisa iyada oo aan la faahfaain sababaha dhaliyay dilkiisa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment