Sidee Ayaad Kusoo Jiidan Kartaa Saaxiib Cusub “Halkaan Ka Akhriso”..

Bulsha:- Ma jiro qof bani aadan ifkaan aduunyada joogo aan jecleen inuu helo dad jeceyl u hayo oona qadariyo mar walbo la murgo ama la farxo farxadiis oona garabkiis taagan ,hadaba halkaan waxaan kugu soo gudbinaa nuqdhooyin oo qofka kulankiina koowaad aad kusoo jiidaneyso uuna kugu jeclaan karo :

1. Is bar inaad fiiriso indhihiis qofka aad la kulmeysid aadan dhinac ka fiirfiirin oo aadan dhabankaada aadinin.

2. marka hore xadido waxaad ka rabto qofka aad qaaabili rabtid si risaaladaada si toos loo fahmo ,dadkana waxay jecel yihin dadka hadalkooda xadidan oona cad .

3. waxaa jiro wax loo yaqaano luqada jirka, jirkaaga ma yaqaaano sida been loo sheego adoon dareensaneen buu jirkaaga gudbinayaa waxaad aaminsan tahay iyo afkaarta aad xambaarsan tahay, hadaba ku dadaal inaad jirkaaga las ocoto aad xakameyso dhaqdhaqaaqa ,qofka aad la kulmoysid waxa uu ka aqrisan karaa xarakaatkaada wax walbo aad aaminsan tahay.

4. Markaad qof kugu cusub la kulmeyso ha isku dhibin inaad iska dhigto waxa aadan aheen caadi kabax ah,ha isku dayin inaad qososho ama dhoola cadeeyso si qasab ah.diraasa la sameyay baa waxaa la ogaaday sababta ugu badan ee keenta asxaabta is barato ku kala tagaan waa kabad badiska qofka naftiis wax uusan aheen maalinta koowaad iska yeelyeelo.

5. Baxsi uu sameyay nin Prof ah .waxaa lasoo ogaaaday in 55% nolosheena waxaan sheegno ay saameyn k uleeyahay jirkeena ,38% qaabka aan u hadalno saameyntiis tahay ,7% ay ereyada aan istcimaalno tahay,,marka waxaan ka fahmeenaa jirkaada inta uu kaa cabiro ayaa ka badan inta hadalka aad ku cabireyso ee ha is kalifin wax aadan aheen ha iska yeelin.

6. Ogoow inta qofka ku horjoogo aad fiirineeso adoon jeesjeesanen waxay cadeynee kalsoonida naftaada aad ku qabto ,jeesjeesiga badan ama indhahaada aad kaleexiso qofka ku hor istaagsan waxay cadeynee inaadan kaaamil aheen aad baqayso.
7. Dhoola cadeynta waxay sababee inuu kulanka u dhaco si diiran oona kalsooni buuxda la isku qabo.laakin iska ilaali dhoola cadeynta aan xad laheen mise waqti aan loo baahnen inad dhoola cadeyso.

8. Baalasha sare ee indhaha one second oo kor loo qaado waxay calaamad u tahay saaxibtimada lamada qof ka dhaxeeso.

9. Haka reeebin intaas aan soo sheegnay dhan qaabka aad u labisan tahay inay saameyn ku leedahay soo jiidashada qofka taasina waxaa ku cadeeynee xadiskii nabigeena oo ahaa inuu nabiga lahaan jiray dhar isku joog ah uu gashan jiray marka wafdi u yimaadaan iyo maalmaha ciida.

labiskaada waxa uu ka tarjumaa shaqsiyadaada maka wadi dhar cusub laakin nadaafadu waa muhiiim ,waxaaana ugu fiican markaad Allahawaynaa hor istaageyso inaad dharkaada fiican xirato.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment